Xasuus Hore Katrina Kaif Iyo Telugu Star Venkatesh Filmkii ay wada sameyeen Ee Malliswari!!

Atirishada Katrina Kaif oo maanta kamid ah atirishooyinka ugu magaca weyn india uguna awooda badan sido kalena sameesay aflaam guulo taariikhi ah gaareen shalay waxay kasoo muuqatay ama kusoo caan baxday aflaam koonfur India.

Katrina sanadkii 2003 waxay sameesay filmkii Boom ee Amitabh Bachchan iyo Gulshan Grover ay la jishay balse mashruuc caan ah maba ahan filmkaan dadka qaarkoodna maba garanayaan maadmaa bur bur taariikhi ah uu la kulmay.

Hadaba xidigtaan oo niyad jabsan waxay shaqo udoonatay koonfur India ayadoo la shaqeesay Telugu Star Venkatesh oo maanta ah xidig caan ah waxayna sanadkii 2004 la sameesay filmkii Malliswari ee jaceylka ahaa.

Mashruucan Kat waxuu u noqday mid guul wacan  gaaro koonfur India-na aqoonsi ka hesho ayadoo markii dambe kasoo muuqatay filmkii Sarkar ee Bollywoodka ahaa.

Kat dadaal badan kadib maanta aflaam Big Blockbusters ah aye sameeneysaa ayadoo lasoo shaqeesay hindiya dadkii ugu magaca weynaa, hadaba waxay baraha bulshada soo dhigtay sawirka sare idiin kaga muuqdo.

Waa xili ay wada duubayeen filmka Malliswari xidiga weyn ee Venkatesh sanadkii 2004 sido kalena aad aye u yareed Katrina xiligaan….