Xasuus Hore: Wiilkan Yar Waa Ranbir Kapoor Oo La Shaqeynaayo Aabihiisa Rishi Kapoor!

Ranbir Kapoor waxaa lagu tilmaama mid kamid ah jilayaasha India taariikh ahaan ugu wanaagsan qaab jiliinka asigo leh xirfad jiliin heer sare ah.

Ranbir noloshiisa hore waxyaabo badan oo inaga qarsoon ayaa jiraan balse waxa laga sugaya in uu shaaca ka qaadi doono wareysiyada mustaqbalka dhow.

Hadaba waxaan helnay sawirkaan sare idiin kaga muuqdo kaaso ah Ranbir oo la shaqeynaya aabihiisa Rishi Kapoor xili uu film duubayey filmkaaso ah Prem Grantha oo ay hogaamiyaha ka ahed Madhuri Dixit.

Filmkaan ayaa la daawaday sanadkii 1996 waxuuna ka hadlayaa sida bulshada ula dhaqmaan dumarka kufsiga loo geestay waana mashruuc qiiro leh.

Hadaba Ranbir filmkaan shaqadiisa qeyb ayuu ka qaatay maadama uu yahay wiilka Clap-ka qaabilsan marka muuqaalka la duubayo sida aan ka aragno sawirka asigoo fasaxaya muuqaalka in la duubi karo.