Waxaan dib usoo celinay barnaamijkeenii Waayo Waayo ee aan kusoo qaadano jilaayaasha caanka ah Bollywood-ka sawiro xili dheer ay galeen oo laga soo bandhigo hada.Sawir kasto iskama soo xigano balse sawir micno sameenayo ayaan soo qaadanaa kaasi oo aqristayaasha ku ogaan karaa wax ka qarsanaa.

Hadaba maanta waxaan idiin heynaa sawir 21-sano ka hor oo Mega Star Salman Khan gara u ah wuxuuna ku guda jiraa shaqada ama duubista filimkii Jab Pyaar Kisise Hota Hai.

Salman Khan waxaa la sawirn waa filim soo saare Ramesh Taurani oo sawirkaan baraha bulshada kusoo bandhigay sidoo kalena sheegay in Switzerland ay joogeen xiligaas sidoo kalena duubista filimka Jab Pyaar Kisise Hota Hai lagu guda jiray.

Jab Pyaar Kisise Hota Hai waxaa la daawaday sanadii 1998 waxaana Salman Khan la jishay Twinkle Khanna waana filim heer sare ah oo Semi Hit noqday sidoo kalena heeshihiisa siweyn u hirgaleen

Filim soo saare Ramesh Taurani sawirkaan wuxuu baraha bulshada usoo dhigay inuu dadka u muujiyo Salman Khan xiriir dheer kala dhaxeeyo.

Fadlan hoos ka daawo qaar ka mid ah heesaha filimka Jab Pyaar Kisise Hota Ha:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here