Home » . » Xasuusta Jimcaha: Mar Ay Dhacday In Esha Deol Dharbaax Ku Dhufato Amrita una sheegtay inay u qalanto sidaas

Xasuusta Jimcaha: Mar Ay Dhacday In Esha Deol Dharbaax Ku Dhufato Amrita una sheegtay inay u qalanto sidaas

Jimco wanaagsan aqristayaasha qiimaha badan waxaan ku wada jirnaa maalin nasiino sidaa darteed xasuusihii hore Bollywood-ka ayaa dib u milicsan doonaa.

Jimcadaan waxaan idiin heyna dagaalka bisada iyo jiirka ee hada ka hor dhax maray labada atariisho Esha Deol iyo Amrita Rao xili ku guda jireen filimkooda Pyare Mohan.

Haddaba Esha iyo Amrita ayaa dhax maray dagaal qaraar badan inta lagu jiray duubista filimkooda Pyaare Mohan oo la daawaday sanadii 2006.

Sida wararka sheegeen Esha Deol ayaa si weyn u carootay inta lagu jiray duubista filimka  Pyaar Mohan ayadoo dharbaaxo kulul ku dhufataya Amrita Rao.

Xili Esha waraysi laga qaadaayay ayaa la weydiiyay inay dharbaaxday Amrita,  Esha ayaa ku jaawabatay ” haaa waan dharbaaxay Amrita sababtoo ah waxay igu dhax ceeysay director  Indra Kumar iyo kaamiriistaha agtooda sidaa daraadeed saaid ayaa u carooday.

Waxaan dhooraayay sharafteyda waqtigaasi waana dharbaaxay kamana qawo wax shalaay ah maxaa yeelay way u qalantay maadaama ila dhaqantay si qaab daro ah.

Ka dib markuu dhacay dagaalkaas Amrita waxay fahan tahay in ay qalad gashay iyadoo Esha y tagtay kana raali galisay qaladkeeda ayagoo midba midka kale colaad u qawin ayay dhameeyeen duubista filimkooda.

Amrita ayaana mar wax laga weydiiyay ficilkaas Esha ku sameeysay iyadoo sheegtay in Esha aysan eedaynin arintaas iska iska ilowday oo meel iska dhigtay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *