aktaro badan oo Hindi ah ayaa bilaabayn inay usoo gurmadaan oo sidoo kale caawiyaan dadka saboolka ah kuwaaso si weyn u saamaysay faafitaanka Covid-19 dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay.

Xiddiga Bollywood-ka Hrithik Roshan ayaa ku biiray kooxdaas isagoo oo iskaashi la sameynayey hay’ad Hindi ah oo cuntada ka shaqeysa ee lagu magacaabo Akshaya Patra si ay cunto u siiso 120,000 oo shaqaale u baahan

Si loo xakameeyo faafitaanka fayraska, Raiisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ku dhawaaqay dhamaan shirkadaha yar iyo kuwa waa weyn oo dhami ay waajib ku tahay inay u hogaansanto go’aamada ah in la wada xiro

waxaana arrintaas ay xaddideysa dhaqaalaha dadka masaakiinta waxaana arrintan si weyn u dareemay dadka dakhligoodu hooseeyo iyo xoogsatada ee ku tiirsana mushahaarka maalinlaha ah kuwaaso maalin walba oo usoo shaqo doonan jireen magaalooyinka waaweyn si ay u helaan masaafir

laakiin hadda waxay waayeen shaqooyinkaas waxaana midaas ay si weyn ugu damqaday Hrithik isagoona lacago fara badan u qorsheeyay 120 kun oo cuno si dadkaas ay baahi ugu dhiman

iyadoo hay’ada Akshaya Patra ayaa si uga mahadcelisay Roshan waxaana ay qoraal ay kusoo qortay baraheeda bulshada : “Waxaan ku faraxsanahay inaan la wadaagno, Foundationkeena hadda waxaa caawinaad naga soo gaartay Superstar @iHrithik kaaso noo fududeeyay 120,000 oo cunno nafaqo

kaaso guryaha loogu geeni doono dadka da’da ah iyo dadka saboolka ah ee  qutul-yoomka waayeen iyo kooxaha dakhligoodu hooseeyo ee Hindiya oo dhan waxaana caawimadan ay socon doota ilaa inta xaalada ay caadiga ay ku soo noqoto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here