Home » Nolosha Jilaayaasha » Xiddigaha Bollywood Ee Quraafaadka Aaminsan, SRK Oo Seddax Lambar Ku Dhegan Iyo Ajay Xaraf Ka Saaray Magaciisa (+Sawiro)

Xiddigaha Bollywood Ee Quraafaadka Aaminsan, SRK Oo Seddax Lambar Ku Dhegan Iyo Ajay Xaraf Ka Saaray Magaciisa (+Sawiro)

Warbixintaan waxaan kusoo qaadan doonaa xiddigaha caanka ah ee Bollywood kuwaasoo quraafaadka (Superstitions) aaminsan. Waana qeybta koowaad ee maqaalkaan.

#1 SHAH RUKH KHAN

King Khan waa jillaaga ugu caansan Bollywood, wuxuuna aaminsan yahay quraafaad u gaar ah, lambarka 555 ayuuna u arkaa mid nasiib ahaan isaga caawiya. Sidaas darteed SRK ma wado gaari taargadiisa aysan ku jirin 555, sidoo kale xitaa ma wado mooto aan lambarkaas laga helin taargadeeda.

#2 SANJAY DUTT

Sanju Baba wuu aaminsan yahay quraafaadka. Waa mid ka mid ah jillaayaasha ugu shacbiyadda badan Bollywood, lambarka 4545 ayuu marwalba ka dhigtaa taargada gaargiisa. 4 Haddii lagu daro 5 natiijadu waa 9, waana lambarka uu Sanju Baba aaminsan yahay inuu nasiib u yahay isaga.

#3 SHILPA SHETTY

Waxay leedahay kooxda Rajasthan Royals, atariishada caanka ah ee Bollywood Shilpa Shetty ayaana marwalba laba saacadood xirata marka ay daawanayso ciyaaraha kooxdeeda. Labada lugood ayey isdhaafsataa marka ay ciyaarta daawaneyso waana u caado. Marka ay kusoo laabaneyso gurigeeda iyado caadi ah ayey kusoo laabataa.

#4 SALMAN KHAN

Dabangg Khan of Bollywood, Salman Khan wuxuu aaminsan yahay quraafaadka. Wuxuu marwalba jijin uu siiyey aabihiis taasoo uu aaminsan yahay inay ka qeyb tahay nasiib wanaaggiisa.

#5 BIPASHA BASU

Atariishada caanka ah ee Bollywood ayaa subax walba oo Sabti ah horay usoo iibsataa laan liin ah oo ay miro ku yaallaan (Lemon-chillies), waxayna soo saarataa gaarigeeda marka ay shaqada soo aadeyso, waxayna aaminsan tahay inay xijaab uga tahay wax walba oo nasiib draro ah.

#6 AJAY DEVGN

Bollywood Singham Ajay Devgn wuxuu aaminsan yahay quraafaadka, waana sababta xarafka ‘A’ uu uga saaray magaciisa dhabta ah, oo markii hore ahaa Devgan balse uu haatan u bedelay Devgn.

La soco qeybta labaad ee sheekadaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *