Jillaaga caanka ah ee u dhashay Mareykanka Chris Evans ayaa waxaa lagu soo eedeeyey inuu weerar galmo ku qaaday gabar kala shaqeyneysay taleefashinka Channel 4 intii lagu jiray 1990meeyadii.

Gabadha dhibanaha ah oo aan magaceeda la shaacin ayaa waxay daaha ka qaaday inay Chris Evans la shaqeyneysay muddo laba sanno ah, waxayna labadoodu isla daadihin jireen barnaamijka The Big Breakfast.

Balse 38 sanno jirkaan Chris Evans ayaa wuxuu si xun ula dhaqmay gabadhaan, waxayna ku eedeysay inuu mararka qaar tusi jiray xubnihiisa tartanka, halka sdoo kale uu horteeda ku taataaban jiray xubnihiisa tartanka.

Sida ay sheegeyso majaladda The Metro, gabadhaani waxay tiri: “Badanaa Chris Evans isagoo qaawan ayuu musqusha kasoo bixi jiray marka uu soo qubeysto. Mararka qaar horteyda ayuu ku taaban jiray xubintiisa tartanka.

“Sidoo kale waxaa jirtay in maalin maalmaha ka mid ah uu Chris Evans naasaha iga qabtay”.

Si kastaba ha ahaatee, jillaagaan ku caan baxay doorkiisa filimka tixanaha ah ee Captain America, ayaa beeniyey eedeymaha loo soo jeediyey, wuxuuna daaha ka qaaday in gabadhaani ay masabidaneyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here