Fanka reer Telugu ee Tollywood loo yaqaano xaruna u ah magaalada Hyderabad jilaayaasha ka tirsan iyaga ayaa bilaabeen in dowlada Hindiya lagu garab istaago la dagaalanka iyo ka hor taga caabuqa halista badan Coronavirus ee Hindiya iyo dhamaan daafaha caalamka dhibaato ku haayo.

Madaama is maamulka Andhra Pradhes iyo Telanga ee xarun u ah Hyderabad ku jiraan mudo 21-maalmood oo aan guryaha laga soo bixi karin waxay isla qaateen atoorayaasha reer Telugu maamul goboleedka ay ka tirsan yihiin A/P inay siweyn u gaeab istaagaan waxaana lacagaha ugu badan deeq ahaan u bixiyay superstar Prabhas oo bixiyay 4 Crore ($534k).

Atooraha dhalinta yar ee lagu magacaabo Nithiin ayaa shaqsigii ugu horeeyay ee Telugu ah kaasi oo deeq lacageed bixiyo wuxuuna dhiibay 20 Lakh ($26k), kadibna waxaa ku xigay Power Star Pawan Kalyan oo 2 Crore ($267k) ku yaboohay maamul goboleedka Telugu.

Fadlan hoos kaga bogo magacyada atoorayaasha reer Telugu ama Tollywood ee lacagaha ugu yabooheen maamul goboleedkooda si ay u garab istaagaan la dagalaanka COVID-19:

1. Prabhas – 4 Crore ($534k)

2. Pawan Kalyan – 2 Crore ($267k)

3. Mahesh Babu – 1 Crore ($133k)

4. Allu Arjun – 1.25 Crore ($166k)

5. Chiranjeevi – 1 Crore ($133k)

6. Jr. NTR – 75 Lakh ($100k)

7. Ram Charan – 70 Lakh ($93k)

8. Nithiin – 20 Lakh ($26k)

9. Sai Dharam Tej – 10 Lakh ($13k)

10. Balakrishna – 1 Crore ($133k)

11. Allari Naresh – 5 Lakh ($6k)

Dhinaca kale hoos kaga bogo magacyada filim sameeyayaasha ama Director-da reer Telugu ama Tollywood ee lacagaha ugu deeqeen dowlada Hindiya gaar ahaan maamul goboleedka reer Telugu:

1. Trivikram – 20 Lakh ($26k)

2. Kortala Siva – 10 Lakh ($13k)

3. Soo saare Dil Raju – 20 Lakh ($26k)

4. Anil Ravipudi – 10 Lakh ($13k)

5. VV Vinayak – 5 Lakh ($6k)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here