Home » Nolosha Jilaayaasha » Xidigahaan Caan Ah Marka Ay Ku Jireen Xaaladooda Ugu Dambeeyay Sidee Ayay U Ekaayeen Muuqaal Ahaan

Xidigahaan Caan Ah Marka Ay Ku Jireen Xaaladooda Ugu Dambeeyay Sidee Ayay U Ekaayeen Muuqaal Ahaan

bollywoodka waxaa ka geeriyooday aktaro fara badan oo aan la tirin karin marka la fiiriyo marka aktarka uu gaaro xilli duqnimada waxaa soo wajahayaa jirooyin iyo cuduro fara badan

waana mid ugu dambayn ay u geeriyoodaan qaarkoodna waxaa saameeyn ku reeba waxyaabaha ay isticmaali jireen xilliga dhalin-yarada sida khamriga iyo daroogada

ama kuwa aan iska ilaalin cayilka fara badan kaaso qatarka ku ah qofka marka uu duqoobo ilayn jirkiisa xiligaas awood u malahan inuu sameeyo soo kabsasho

maanta waxan ku hayaa aktaro caan ah oo si weyn aad u garaneysaan sida ay u ekaayeen muuqaal ahaan marka ay ku guda jirayn xiligoodii ugu dambeeyay

fadlan hoos ka daawo sawirada xidigahaas

1. parveen babi

aktardii ugu shidnayd xiliyadii 70s iyo 80s ee parveen babi waxa ay xariiro jaceyl la sameeso raga kala ah kabir bedi iyo director mahesh bhatt laakiin weligayn maysan guursan waxaa ay si xun u cabi jirtay khamriga iyo daroogada taaso ugu dambayn gaarsiiyay inay shaqayn waayeen xubno ka mid ah jirkayda ka dib waxa ay gashay koomo  iyadoo si silac u dhimatay sanadkii 2005

2. rami reddy

mid ka mid ah laadiriintii kacsanaa 90s isagoo kasoo muuqday aflaamo badan oo gaaraya 250 filim ayaa waxaa dhawr jeer kusoo laabtay jirooyin kala duwan kuwaaso baabi”iyay dhamaan awoodda jirkiisa isagoo ku geeriyooday magaalada Hyderabad sanadkii 2011

3. ak hangal

ak ninkan waxa uu kusoo muuqday in ka badan 200 filim isagoo hal door kaliya ku caan ahaa ak hangal waxa uu daryeel xumo uu geeriyooday sanadkii 2007

4. amrish buri

magambo of bollywood amrish buri waa halyeey ka tirsan shirkadda bollywoodka waxa uu dhashtay 1932 waxa uuna ku dhashtay punjab waxa uu geeriyooday sanadkii 2005 ka dib markuu madaxa kaga furmay dhiig

5. pran

waxa uu dhashtay 12 February 1920 waca uu dhintay sanadkii 2013 isagoo xiligaas jiray 93 sano

6. amjad khan

mid ka mid ah laadiriinta ugu magaca weynaa bollywoodka waxaana si weyn loogu xasuustaa doorkiisa caan ka ahaa ee gabbar singh amjid waxaauu geeriyooday sanadkii 1992 ka dib marka uu galay koomo isagoo xiligaas jiray 52 sano

7. vinod Khanna

qof walba ayaa ka dhaxday geerida lama filaanka ah ee ku timid vinod waxa uu dhashay 1946 waxa iu sanadkii hore u dhintay cudurka kansarka kaaso ah mid dhiiga

8. sunil dutt

waxa uu dhashtay 1929 waxa uu geeriyooday sanadkii 2005 isagoo jiray 75 sano waxaana uu u dhintay wadno xanuun

9. rajesh khanna

waa mid ka mid aktarada ugu fiicnaa ee soo maray shirkadda bollywoodka waxaana lagu tilmaama supers indian cinema waxa uu dhashtay 1942  waxa uu geeriyooday sanadkii 2012 isagoo jiray 69 sano waxaana ku dhacay cudurka kansarka