Waxaa soo dhawaatay xiligii labixin lahaa abaal marinta ugu qiimaha badan ee jilayaasha caalamka lasiiyo Oscar taasoona lagu qiimeeyo hab jiliinkooda filimada.

Hadaba warbixintaan waxaan ku eegi doonaa jilayaasha ugu caansan Bollywoodka kuwaasoo aanan biladaan ku guuleysan sidoo kalana 3 jeer kabadan tartamay.

Halkaan hoose kaga bogo.

1-Johnny Depp;

Waa mid kamid ah jilayaasha ugu caansan Bollywoodka wuxuuna sameeyay mid kamid ah doorarka ugu caansan abid jilaa filim ku sameeyo waana doorkiisa filimka Pirates of The Caribbean ee Captain Jack Sparrow kaasoo ah filim qeybo badan.

Johhny Depp bilada Oscar wuxuu u tartamay 3 jeer asigoona ku tartamay filimada Pirates of The Caribbean; The Curse of The Black Pearl kaasoo soo baxay 2004tii.

Iyo filimka Finding Neverland misna la daawaday 2005tii iyo filimka Sweeney Todd ee soo baxay 2008dii.

Balse nasiin xumo dhamaantooda kuma guuleysan jilaagaan.

2-Bradley Cooper;

Yaana aqoonin jilaagan oo haatan kamid ah jilayaasha ugu shidan Hollywoodka sidoo kalana wuxuu kamid yahay jilayaasha lacagaha ugu badan ku sameeyaan filimada ay kasoo muuqdaan.

Bradley wuxuu bilada Oscar u tartamay 4 jeer asigoona ku tartamay doorkiisa filimada kala ah; Silver American, A Linings Playbook, American Sniper iyo filimka Hustle Star is Born.

Balse nasiib xumo Bradley midkoodna kuma guuleysan.

3-Mark Ruffalo;

Waa jilaaga taxanaha Avengars qeybta ka ah misna ku matalo doorka Hulk waana mid kamid ah jilayaasha ugu caansan Hollywoodka.

Mark Ruffallo wuxuu jilay filimo badan oo uu ugu tartamay bilado kala duwan asigoona abaal marinta Oscar u tartamay 3 jeer wuxuuna ku tartamay doorkiisa filimada kala ah;

The Kids Are All (2010), Spotlight (2014) iyo Foxcatcher (2015) balse nasiib xumo midkoodna kuma qaadan.

La soco qeybta 2aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here