Xidigahan Quruxdooda Way Ka Saacidi Weysay Inay Bad-baadiso Mustaqbalkooda Bollywood-Ka:

0
749

wax walba waa calaf iyo nasiib sidoo kale waxaa wax xaqiiqo ah ah in wajiga haduu leeyahay soo jiidasho inuu yahay mid horumar ku talaabsan kara maanta kama hadlayno aktaro qurxan kuwaaso guulo weyn ka gaaray waayahooda fanka

waxaa ka hadlayna aktarada fashilka kala kulmay waana 6 aktar Kuwaaso lagu tilmaamo kuwa ka mid ah kuwa ugu qurxoon ee soo maray shirkadda bollywoodka laakiin aan ku raagin waxaana ka mid ah aktaro aad si fiican aad u garanaysaan

Fardeen Khan

wiilkan soo jiidashada leh sidoo kale leh timo qurux badan isagoo ku guuleystay abaal-Marino aktarka ugu wanaagsan ee ku cusub bollywoodka isagoo ku hantay filimkiisa ugu horeeyay ee prem aggan kaaso la daawaday sanadkii 1998

aflaamta ugu fiican uu ee waayihiisa fanka uu sameeyay waxaa ka mid ah pyaar tune kya kiya all the best hey babby laakiin aktrakan waxa uu noqday mid si weyn u fashilma isagoo ugu dambayn baska ka dhacay

Aftab shivdasani

aktarka dadka ku soo jiitay dhoola-cadeyn aan caadi ahayn ayaa ka mid ah aktarada ku fashilmay inay aqoonsi ka helaan bollywoodka aftab waxa uu ogaaday inuusan filim hogaamintiisa lagu aaminayn ayaa wax hadda sameeya doorar caawiye si uu u badbaadiyo mustaqbalkiisa fanka

Neil nitin mukesh

aktarkan loo maleeyo inuu muuqaalkiisa yahay reer galbeedka sidoo kale ka mid ah aktarada soo jiidashada leh ayaa ka mid ah aktarada aan ku faa’idin muuqaalkooda isagoo hore kala kulmay fashil weyn

Kumar gaurav

ninkan sida uu ku bilowday waayihiisa fanka caadi muusan ahayn isagoo akoonkiisa aflaamta ku furtay filimkii blockbuster weyn noqday ee love story kaaso la daawaday sanadkii 1981

ka dib markaas waxa uu sameeyay dhawr aflaam kuwaaso badankood ay noqdayn kuwa si weyn u fashilma taaso soo dadajisay inuu si dhakhsi leh isku dhiibo aktarkan

Vastsal seth

aktarkan quruxda badan hadda waxa ay u shidan tahay qaybka Tv-Yada madaama uu halkaas hadda ka yahay aktarada ugu waaweyn ee sameeya musalsalada

laakiin aqoonsi wuu ka heli waayay bollywoodka isagoo waayihiisa bollywoodka lagu soo caan bixiyay filimka tarzan ee uu la waday ajay devgan laakiin aktarkan wuu sameyn waayay horumar muuqda taaso maanta kasoo riday inuu sameeyo musalsalada ka baxa Tv-Yada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here