Home » Nolosha Jilaayaasha » Xifaaltan ma jiro: Aamir Khan oo la kulmay saaxiibkiis Ajay Devgn nasiib wacana u rajeeyay Golmaal Again

Xifaaltan ma jiro: Aamir Khan oo la kulmay saaxiibkiis Ajay Devgn nasiib wacana u rajeeyay Golmaal Again

Inkastoo Diwali 2017 tiyaatarada isku heestaan filimada Golmaal Again iyo Secret Superstar hadana Aamir Khan nasiib wacan ayuu u rajeeyay saaxiibkiis Ajay Devgn iyo filimkiisa Golmaal Again.

Labadaa Superstar wax dagaal ah kama dhaxeeyo waana sababta keentay inay feestada Diwali isla qaataan ayagoo og in labadooda filim Boxoffice-ka ku dagaalami doonaan.

Aamir iyo Ajay ayaa kulan wada qaateen ayagoo xayeysiin u wada sameenayeen filimadooda Secret Superstar iyo Golmaal Again.

Aamir ayaa saaxiibkiis Ajay amaan kala dul dhacay wuxuuna yiri “Waa kanaa Golmaal, mudo dheer kadib ayaan saaxiibkeey Ajay la kulmay, waa qof aad u wanaagsan, nasiib wacan u rajeynaa filimkiisa Golmaal Again”

Ajay Devgn isagana wuxuu yiri “Dadka wanaagsan marwalbo wey wada guuleestaan, Secret waxaan u rajeynaa nasiibka ugu wacan”

Secret Superstar waxaa tiyaatarada la saaraa 19-ka bishan maalin Khamiis ah halka Golmaal Again la daawanayo 20-ka bishan maalin Jimco ah waana qorshe ay Ajay iyo Aamir ku wada heshiiyeen in labo maalin oo kala duwan filimadaan tiyaatarada la saaro.

Ajay iyo Aamir markii isugu dambeesay shaqo ahaan waxay kasoo wada muuqdeen filimkii Super Hit-ka noqday Ishq ee la daawaday sanadii 1997.