Caawa Filimka Dhadkan ayaan falanqeyneena jilaa ilaa fanaan ama heesa sida loogu tartamay mashruucaan iyo xidigaha guuleysteen:

Dhambaalka ama fariinta uu Filimka dad-weynaha u diraayo: Calafka iyo jaceyka inuu marwalba calafka weyn yahay iyo in lacag aan lagu iibsan karin jaceyl ama qof qalbigiisa.

Doorarka jilayaasha:

Akshay Kumar: doorkiisa Ram waa nin degen oo hantiile ah misane leh qalbi aad u wanaagsan kaaso xaaskiisa jaceyl ka kasbanaayo Kumar doorkiisa waxuu ugu tartamay bilada Filimfare Best Actor lkn kuma guuleysan.

Suniel Shetty: doorkiisa Dev waa nin faqiir ah fagta hore jaceyl waali ahna gabar u qaadayo lkn calafka ayaa ka hiilinaayo gabadhiina ninkale oo hantiile ah ayaa ka guursanaayo waxuuna go’aansana inuu hantiile noqdo si uu u helo jaceylkiisa.

Sababto ah waxuu aaminsanyahay in gabadhuu jeclaa nin hantiile ka raacday hadii isaga hantiile noqdana ay usoo noqon doonto isagoo ilaaway in calaf ka kaxeeyay gabadha.

Shilpa Shetty: doorkeeda Anjali waa gabar weysay wiilke jecled ayadoo qaadaneysa ducada waalidkedna guursatay ninke u dooqeen balse qalbi wanaaga ninkeeda marke aragtay ayee go’aansane inee nafteeda iyo qalbigeedaba isaga si niyad ah u siiso.

Bandhiga jilayaasha: Akshay doorkiisa waxuu noqday mid wanaag ah oo Positive ah sida uu ujilay doorkaas waxuu u tartamay bilado badan sida Filimfare Best Actor lkn doorkiisa ugu fiican abid ma ahan.

Sunile Shetty, Shilpa Shetyy iyo Mahima Chaudhry waxaa loo diiwaangaliyay Dhadkan inuu yahay Filimkoodii ugu bandhiga fiicnaa abid qaab jiliin ahaan shaashada kusoo bandhigeen. Shilpa iyo Mahima waxay ukala tartameen atiriishada ugu fiican sanadka iyo atiriisho-caawiso tii ufiicned ee Filimfare hadana kuma guuleysan.

Balse Suniel doorkiisa Xumaanta ama Negative Role-ka qeybta dambe filimka ahaa ayee Filimfare bilada kusiyeen maadama uu aaminay in jaceylka lacag lagu iibsan karo sido kalena uu cadaadis saaray nolosha Ram iyo Anjali.

Doorka ugu fiican ama nuxurka sheekada ka hadlaayo waxaa la tagay Suniel Shetty waayo fariinta bulshada loo diraayey waxay ahed inee ka digtoonaadaan arimahaas oo kale in lacag jaceyl lagu iibsan karin iyo in jaceylka calafka ka weyn yahay doorkiisana bulshada dhexdeeda saameyn xoogan ayuu ku reebay waqtigaas.

Marka saameyn nooc walba ah Dhadkan isaga ayaa ku guuleystay ilaa maantaba Dhadkan isaga lagu xasuustaa waana Filim uu ku faano marka xaqiiqada laga hadlo.

Kumar Sanu vs Udit Narayan:

Heeska Dil Ne yeh kaha hai dil se ayee ku tartameen xidigahan si caadi ah waxaana saameyn badnaaday Kumar oo heeska dhadhan u yeelay maadama uu Suniel kista yar ugu luuqeyay music-da uu Nadeem shravan lahaa markuu Suniel soo baxay cusbo ayee kusii dareen codka kumar, jiliinka suniel iyo Shilpa dareenkeda heeska page-kaas ayaa ugu fiicnaatay.

Laakiin Udit qeybtiisa oo balaarned aawged waxuu u tartamay Filimfare Best Singer Male balse Alka Yagnik ayaa labadooda ka fiicnaatay maadama kista ay shilpa ugu luuqeysay lagu siiyay bilada Best singer Female.

Iskusoo duu-duub Dhadkan 4-jilaa hogaamiyaasha ka ah iyo heesayaasha iyo waliba Music-da Filimka ilaa maanta mid walba shaqadiisa waa lagu ammaana inkastoo sidan usharaxnay usii kala fiicnaayeen.

Intaas waa xogta Dhadkan u diiwaangashan waana ku mahadsantahay akhrinta qoraalkan habeen walbana Filim xiiso leh ayaan soo qaadeynaa…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here