Xiiso badanaa dhacdooyinka Xalqada 14aad ee taxanaha Hercai lagu soo bandhigay iyadoo dhameystiran halkaan kaga bogo.

0
7860

Waxaa xalay kanaalka Turkiga ee ATV laga sii daayay xalqadii 14aad ee taxanah Hercai kaasoona ahaa mid xisiisihiisa watay hadaba xalqada oo kooban dhacdooyinkeeda halkaan kaga bogo;

-Taxanaha ayaa ka bilowday halkii ay xalqadii hore ku dhamaatay  xili Reyyan ay aqbashay guurka Miran ayadoona Miran aad ugu farxay.

-Kadib Miran ayaa Reyyan u wadayo guriga Aziza waxayna albaabka guriga ka galayaan iyagoo gacmaha is heysto wuxuuna Miran ayaydiisa ku dhahayaa waxaan kuu keenay gabadhii aad sodohda u noqon laheyd, balse Suldaana ayaa isku dayayso iney is hor istaagto lkn Joonuul ayaa hooyadeed celineyso.

-Aziza marnaba kama hor imaaneyso guurka waxayse digniin siineysaa Reyyan iyo Miran waxayna u sheegeysaa in Reyyan hada kadib aysan la kulmi Karin reer Sadogulu maadaama ay wadato magaca Reer Aslanbey.

-Miran ayaa u mahad celinaayo Gonul maadaama ay furiinka dhib la’aan aqbashay (Siduu u maleeyo).

-Reyyan iyo Miran waa is guursadeen markale balse markii guurka dhaco ayay Joonuul weydiineysaa Aziza aaway walaalkey? Maadaama balantii ay kasoo baxday.

-Xiliga uu guurka socdo inta aysan Reyyan warqada guurka saxiixin waxaan meesha imaanayo Reyyan aabaheed oo aad u careysan Aziza ayaana ku farxeyso imaatinka Hazar maadaama qaska uuba yahay waxay dooneyso balse Reyyan ayaa heshiiska boobsiis ku saxiixeyso si uu aabaheeda ugu diidin waxayna sidaas ku noqoneysaa xaaska Miran.

-Aziza layaab ayay ku noqoneysaa in Reyyan warqadii nikaaxa saxiixday.

-Hazar wuxuu isku dayaaa in Reyyan ku qanciyo iney raacdo halkaana ka tagto balse Reyyan wey diideysaa.

-Reyyan iyo Miran ayaa u wareegaayo guriga Joonuul daganeyd ayagoona ka tagaya qasriga Aziza joogto balse waxaa dhaceyso habeenkoodii ugu horeeyay waxay la kulmayaan xabadeyn iyagoona lasoo weerari doono.

-Waa wareey waa layaab waxkasta oo dhacay Aziza ayaa ka dambeysay waxaana kamid ah;

Weerarka Reyyan iyo Miran habeenkooda aqalgalka iyadaa ka dambeyso si guriga ugu soo laabtaan.

Aziza ayaa ka dambeyso in Azaad barxada deegaanka isku qabsadaan Goonuul isla iyada ayaana ka dambeyso in Miran iyo Azad is wajahaan.

Arinta shooka leh waxay tahay in Aziza ay ka dambeyso weerarkii lagu soo qaaday baabuurka Miran xalqadii hore sidoo kalana isla iyada ayaa ka dambeyso in golaha deegaanka ogaadaan sidii ay wax u dhaceen oo Xeshmat iyadaa wax walba u sheegtay.

-Guud ahaan waxwalba waxay u dhaceen sidii Aziza wax u rabtay wuxuuna qorshaheedu ahaa in Reyyan iyo Miran soo dagaan qasrigeeda cadaabkii aduuna galiso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here