1-Amitabh Bachchan: xanaaqa iyo canaanta waalidka waa jaceyl ay uqabaan caruurtooda ee ma ahan cadaawad iyo naceeb.

2- Shah Rukh Khan: Dunida waxaad ka heleysaa dad labo nooc ah guuleystayaal iyo guuldaresytayaal laakiin nolosha marwalba waxay fursad labaad siisaa guuldareystayaalka si ay u guuleystaan.

3-Aamir Khan: Nolosha waa tartan haddii aadan ku dadaalin tartankaas misane u deg degin waxaad noqon doontaa sida ukun (beed) jabtay oo kale.

4-Salman Khan: Haddii aad daba-orod gabdhaha iyaguna lacag ayee ceyrsadaan balse haddii aad lacagta daba-oroda ogow gabadhaha iyagaa kusoo ceyrsan doonaan.

5-Akshay Kumar: Si aad 100-sano u noolaato uma baahnid inaa 100-jir noqoto ee waxaad u baahantahay hal maalin oo aad sheey wanaagsan sameyso si dunida oodhan sheeygaas kuugu so xusuustan mudo 100-sano ah.

6-Sunny Deol: maskaaiinta guryahooda yar-yar ee roobka u galaayo iyo qasriyada waaweyn ee hantilayaasha subaxi qoraxda (cad-ceeda) si isku mid ah ayee u ifisaa.

7-Ajay Devgn: Eeyaha sikastoy u badan yihiin hal shabeel xitaa iskama celin karaan markuu dhexda ka galo.

8-Suniel Shetty: qofka inuu daacad ahaado waxay ka dhigtaa naxariis badane dulqaad badane ah halka qiyaanada qofka ka dhigto mid dulqaadyar oo hunguri weyn.

9-Hrithik Roshan: Waligaa qof ha yasin waayo shalah kii aad liideysay oo yaseesay ayaa berri kaa maqaam sareyn kara, ileen nolosha waa cajiib.

10-Saif Ali Khan: Tartanka baabuurta darawalka ayaa ku guuleysta ee gaariga kuma guuleysto.

Oraahdee si weyn kuu cajabisay adigoon taageeronimo ku dooraneyn?

7 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here