Qisadaan akhriso waa qiso cajiib ah.

Maalin ayaa nin miskiin ah sadaqo weydiistay nin taajir ah.

Taajirkii wuxuu miskiinkii siiyay weel ay kujirto cunto halowday oo reereeb ah.

Miskiinkii weelkii wixii kujiray wuu qaatay.

Kadib weelkii ayuu dhaqay oo nadiifiyay wuxuuna kasoo buuxiyay ubaxyo qurux badan.

Weelkii oo ubaxyadii kabuuxaan ayuu wuxuu ukeenay ninkii taajirka ahaa markaas ayuu taajirkii inta yaabay wuxuu ku yiri miskiinkii “maxaad weelkii aan cuntada halowday kugu siiyay inta ubaxyo kasoo buuxisay iigu soo celisay??”.

Miskiinkii ayaa markaas ugu jawaabay ” insaan kasta waxa qalbigiisa kujiro ayuu bixiyaa !!”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here