Xili dunida dhaqaalo xumo baahsan la ciir ciireyso buu asigana 97 crore guri ku iibsaday

0
3298

Hrithik Roshan ayaa lagu soo waramayaa in dhisme aad u qurux badan uu magaalada Mumbai ka iibsaday asigoona waliba 97 crore ka bixiyay.

Arintaan oo markii hore xaqiiqdiisa la hubin ayaa ugu dambeyn waxaa xaqiijiyay aabaha dhalay Hrithik ee Rakesh Roshan kaasoo qiray in wiilkiisa uu 97crore guri ku iibsaday.

Rakesh Roshan ma uusan bixinin faahfaahin dheeri ah oo intaas dhaafsiisan balse ilo ku dhaw qoyska reer Roshan ayaa sheegay in Hrithik dhismahaan u iibiyay caruurtiisa si ay mustaqbalka u dagaan.

Hrithik ayaa la ogyahay in qoyskiisa uusan ka fogaanin marnaba oo uu la daganyahay waxaana la sheegayaa in u wareegista dhismahaan cusub uu shuruud ku xiray taasoo ah in aabihiisana lasoo dago hadii kale uu aabihii iskala daganaan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here