Filimka Ek Villain 2 in badan ayaa la hadal hayey xiliga duubistiisa bilaawaneyso iyo jilayaasha jili doonaan ayadoo la islahaa in Aditya Roy Kapur markuu ka baxo Arjun Kapoor ayaa hogaamiye ka noqon doono.

Balse Arjun kaliya ma ahan markaan ee John Abraham ayaa la hogaaminaayo waliba doorka miisanka leh isaga ayaa qaatay sido kale Disha Patani iyo Tara Sutaria ayaa atiriishooyin ka ah waxaana la sheegay inuu yahay mashruuc dagaal iyo jaceyl isku dhexjiro ah.

Director Mohit Sure ayaa mar saxaafada la hadlay misane sheegay in qeybtan ay ka xiiso badnaan doonto qeybtii hore waliba ficilo dagaal cajiib ah ayaa la diyaarin doonaa oo gacan la isugala tagaayo iyo ceyrsasho baabuur ah.

Arjun iyo John ayaa si kal iyo laab ah isku garaaci doonaan tababar culus ayaana usocdo hader sido kale waji laadirnimo ayee wataan ee waji atoore labadoodaba lama imaan doonaan waxaana intaas lagu daray in janaayo 2021 duubistiisa bilaawan doonto kahor June 2021 la dhameyn doono mashruuca dhan.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here