Xiliga uu soo galaayo meesha aad kala socon karto haduu dhamaaday iyo wax walba oo aad uga baahantahay inaad ka ogaato taxanaha Hercai (Ubaxii wasaqoobay).

2
1616

Inbadan oo akhristayaasheena kamid ah waxay ku jahwareereen taxanaha Hercai waxaana ugu badan asxaabta taxanaha kala socotay Fanproj iyo Astaan maadaama uu taxanaha halkaas ka dhamaaday balse aan anaga marwalba soo qorno inuu wali socdo.

Horta taxanah xalqadiisa koowaad waxaa lasii daayay bishii maarso ee sanadkaan waxaana la duubay 12 xalqo iyadoo tii ugu dambeysayna aheyd bishii may ee sanadkaan waxaana halkaas ku dhamaaday 12 xalqo oo uu juzkii koowaad (season 1) ee taxanaha ka koobnaa.

Taxanaha halkaas kuma eka oo 3 bilood fasax ayaa la galay bilihii juun july iyo agoosto balse haatan oo bisha September lagalay taxanaha dib ayaa loo bilaabay waxayna xalqadiisa 13aad ahna xalqada 1aad ee Season 2 soo gali doontaa caawo.

Fanproj waxay soo turjuntay waa juzkii koowaad waxaana laga sii daayay kanaalka Astaan Drama wuuna dhamaaday waxaana haatan haray oo dhiman juzkii labaad.

Asxaabta marka sidaas ula socda taxana waxa dhamaaday waa juzkii koowaad waxaana hada bilowday juzkii labaad qofkii rabo inuu la socdo asigoo af turki ah youtubeka ayuu kala socon karaa asigoona ku qoraayo Hercai qofkii rabo asigoo carabi ku turjuman inuu la socdana wuxuu sidoo kale ka daawan karaa isla youtubka asigoona ku qoraayo زهرة الثالوث hadii uu ka waayana wuxuu ka daawan karaa shabakada 3SK.TV

Maxay tahay howsha Filimside?

Filimside waa shabakad warbaahin oo ka faaloota aflaamta iyo taxanayaasha sidaas owgeed wax shaqo kuma lahan turjumada taxanayaasha kaliya wixii macluumaad ayaad kala socon kartaan.

Waxaan rajeynaa inaad sifiican inoo fahanteen.

Hadii aad su’aal qabto fadlan Pagekeena Hoyga wararka filimside fariin noogu reeb.

MAHADSANIDIIN.

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here