Waxaa lagu wadaa in kulamo xasaasi ah wada qaateen qolyaha tiyaatarada Single Screens iyo Multiplex iska leh iyo dowlada Hindiya waxaana laga arinsan doonaa xiliga ku haboon in tiyaatarada dib loo furo iyo hanaanka bad qabka la raaci doono madaama weli 100% laga guuleesanin xanuunka Coronavirus-ka oo markii horeba sababay bartamihii Maarso in tiyaatarada gudaha Hindiya ku yaalo la xiro.

Laga bilaabo 1 June waxaa lagu wadaa in Hindiya bandowga ka jiro la qaado balse halmar xanibaadka shacabka lagama wadi qaadi doono waxaana la sheegay in tiyaatarada dib loo furi doono 15-ka June ilaa 30-ka June inta u dhaxeyso ayadoo hanaan bed qab dhameestiran la raaci doono waxaana laga rabaa qolyaha tiyaatarada iska leh inay shuruucda dowlada u hogaansamaan.

Waxaa la sheegay in tiyaatarada 50% kaliya la buuxin doono inta kale waxay ahaan doonaan kuwa maran, raashiinka iyo cabitaanka tiyaatarada laguma dhex iibin doono, sidoo kalena hal mitir iyo bar ama labo mitir ayay daawadayaasha isku jirsan doonaan halka shaqaalaha tiyaatarada xiran doonaan gacmo gashadka, iyo maasgarada wajiga lagu xirto waana la baari doonaa qof walbo oo tikit soo goosto kaasi oo rabo inuu tiyaatarka filim ka daawado.

Waxaa la isla dhex maraa filimada waa weyn sida Radhe oo Salman Khan hogaamiye ka yahay iyo Sooryavanshi Akshay Kumar hogaamiye ka yahay iyo kuwo kale in marka kowaad masraxa lasoo saari doono si daawadayaal fara badan loo kasbado sidoo kalena jilaayaasha Bollywood-ka kaalintooda ayay qaadan doonaan iyagoo dadka ku dhiiri galin doonaan inay tiyaatarka soo aadaan laguna dadaali doono caafimad qabkooda madaama qof mada daalo soo raadsaday haddii Coronavirus tiyaatarka kasoo qaado dhibaato badan sababi karto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here