Atiriishada caanka ah Rakul Preet Singh ayaa si rasmi ah u shaacisay inee nolosha Kali kutahau waqtigaan la joogo wax xiriir ahna leheen xili wareysi dheer laga qaaday ayeena nolosheeda gaarka ah wax badan kaga hadashay xidigtaan.

“Hader wax xiriir ah malihi sababto ah fursad uma helo aan nin ku shukaansado shaqadeyda ayaa i mashquulisay sidaa aawged waxaan ahay kali qofkii umaleynaayey inaan xiriir lahaayo sidaa ogow.”

Sidaa waxaa tiri Rakul waxaa la weydiiyay nooca ninka ay ka hesho inee mustaqbal la wadaagto waxayna tiri,” waa inuusan igu noqon qof maskax caruur leh sida qof masuuliyad aan qaadi karin wax walbona iska dayacaayo waa inuu noqdaa mid maskax leh caaqilna ah noloshana hogaamin kara waana riyada gabar walba ku riyooto in ninka guursanaayo sidaas ahaado.”

Atoore fanka hindiya ka tirsan inee guursan doonto ayaa la weydiiyay mise inee qof aan fanka kujirin ay guursan doonto waxayna tiri,”hadii tilmaamta aan ka bixiyay ninka mustaqbalka aannla wadaagayo uu atoore noqdo maxaan ku diiday ileen aniga shaqada nooca uu qabanaayo kama hadlin kaliya waa astaamaha aan sheegay waa inuu lahaado atoore iska dhaafe heesaa xitaa ha ahaado haduu rabo.”

Rakul Preet Singh: Milap Zaveri sold me the film saying it is my Rekha of Muqaddar Ka Sikandar

Jilaaga caanka ah Rana Daggubati ayaa lagu xaman jiray mar bal kawaran ayaa la yiri adiga iyo Rana xiriir miyaa idinka dhaxeeyay waxayna tiri iyadoo qosleysa,”waa cajiib Rana saaxiibkeyga qaaliga ah waaye guryaheena 2 daqiiqo ayaa loo kala socona micnaha daris ayaa nahay aad isugu dhow “

“Markaa Rana saaxiibenay gabar kale ayuu xiriir la lahaa ana fanka waan ku cusbaa ilaa hadana saaxiibo caadi ayaa nahay sheekadaas waa xan uun xaqiiq ma ahan inaan xiriir kale wada leenahay” Rakul ugu dambeyn waxaa la weydiiyay xiriirka wada noolaanshaha ah waxa ay ka aaminsantahay waxayna tiri.

“Aan ku dha dhamiyo ayaan u aqaana xiriirkaas ee jaceyl ma ahan mudooyinkan dambe jaceylkii sharafta ayaa laga qaaday oo dan ku gaar iyo waqti lumis ayaa laga dhigay waana sababta aan shaqadeyda ugu mashquulay jaceyl iyo shukaansina isaga xiray.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here