Super Star Akshay Kumar wuxuu kamid yahay maanta xidigaha loogu jecelyahay Bollywoodka balse Akki 90kii awoodisa atoore nimo dhulka ayee kujirtay inta badan 10kii sano ee dahabiga ahaa.
Hadiii awoodiisa atoore nimo hooseysay awoodisa dhanka dumarka cirka ayee mareysay waxaana loo yaqiinay shabeel naagoodka Mumbai.

Waxaan idiin heynaa xiriirkii jaceyl ee dhexmaray Akshay Kumar iyo Raveena Tandon:
Akki gabdho badan ayuu xiriir lasoo sameyay kuwa la yaqaano iyo kuwa aanan la ogeynba sidaa awged waxaan amba qaado doona xiriirkii uu la sameya Raveena.
Akshay kumar iyo Raveena Tandon waxay isku barteen filmka Mohra waana filmka ay isku caashaqen xidigahan oo ay isaga heleen.

Intii lagu guda jiray duubista filmkaan Akshay wuxuu aad usoo jiitay gabadha xiligaas Bollywoodka oodhan kada ordaayen ee Raveena.
Raveena xiligii ay Mohra duubeysay waxay kujirtay waqtigeedi ugu wacnaa dhanka quruxda iyo dhanka guusha aflaamtaba.

Sidaa awged waxaa indha sarcaaday oo soojiitay wiilkaan jirka dhisan ee fudeedka badan waa Akki ye durba Raveena waxay jaceyl u qaaday Akshay intii la duubayey filmka Mohra,
Saxaafada ayaa in badan hadal heysay xidigan xiriirkoodana kis kis ayuu banaaanka usoo baxay ilaa maalinkii dambe Raveena ay saxaafada u cadeysay in Akki guur ubalan qaaday sido kalena ka codsaday in ay joojiso gabi ahaanba jilista aflaamta soona gabagabeyso mashaariicda usaxiixan.

Raveena ayaa codsigii Akki aqbashay waxana dhacday in la sameyo filmka Khiladiyon Ka Khiladi, filmkaan waxaa wada jilaayen Akki, Raveena iyo Rekha.
Durba waxaa la isla dhexmaray in Rekha ku bilawday wiilkii ka yaraa ee Akshay Kumar, Akki dhankiisa Rekha wey soojiidatay heer uu iska hilmaamo Raveena.

Raveena oo ka hadleysay siduu Akki u qayaamay waxay tiri,” wax walbo dartiisa ayaan u lumiyay mustaqbalkeyga ayuu ku cayaaray Akshay halahan kadiban uma dulqaadan karo waxaan goaansaday inaan xiriirka ujaro maadama niyada iga dilay mustaqbalkeyga fankana god kuriday.”
Sidaa awged Raveena waxay goaansatay inee faraha ka qaado Akki wixii kadambeyay filmka Khiladiyon Ka Khiladi ee la daawaday 1996.

Akki na xiligaas wuxuu bilaawayey inuu ka dhex baxo buuqa Raveena iyo Rekha wuxuuna xiligaas isku diyaarinaayey siduu shabaqa kusoo galin lahaa atiriishada quruxda badan ee Shilpa Shetty.
Waana halkaas halka ay kukala hareen Akshay Kumar iyo Raveena Tandon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here