Ram Charan iyo Kajal Aggarwal waxay kamid yihiin lamaanayaasha shaashada loogu jecel yahay gudaha Telugu sido kale waa xidigo shacbiyad weyn kuleh dhulkaas aflaamtoodana aad looga jecel yahay.

Filinkii Magadheera ee ay isla jileen sanadkii 2009 ayaa lagu doortay wixii markaa ka dambeeyay Filim walba inee iyaga hogaamiyaan ayaa la jecleeysan jiray sida cajiibka leh ee ay Filimkaas u jileen aawgii.

Magadheera All Time Blockbuster ayuu noqday xiligaasna labadooda min 24 sano ayee jireen waxaa bilaawatay xan isla sanadkaas xantaaso ah in labadooda uu xiriir ka dhaxeeyo goordhowna is guursan doonaan.

Waxay ahaayen lamaane shaashad balse xiriirkooda waxaa loo bedelay midkii nolosha dhabta ahaa waxaa la sheegay in xidigahan kala hareen 2012 xili xiriirkooda uu soo bilawday 2009 Magadheera kadib isfaham dari ayaana soo kala dhex gashay waxayna go’aan ku gaareen inee saaxiibo caadi ah kaliya ahaadaan.

Balse labadoodaba arinkaan wey inkireen wax kama jiraan ayeena ku tilmaameen dhowr jeer ugu dambeyn Ram Charan 2012 ayuu aqal galay misane guursaday gabadha lagu magacaabo Upasana Kamineeni oo qoyskiisa ay udooneen dhanka kale Kajal ilaa hada lama guursan noloshana kalli ayee kutahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here