1-Baaritaano ayaa waxaa lagu ogaaday in mashaakil markuu qofka la kulmo murugta uu dareemo aysan mushkiladaas aheyn balse murugta waxaa sababo tafaashiisa mushkikada iyo qaabkuu ku xalin lahaa.

Culimada waxay sheegeen in mushkiladii la xalin karo aysan qofka walwal galin lkn mida aan la xalin karin uu qofka ka walwalo sidaas darteed waxay ku naseexeeyeen culimada inuu qofka is moogeysiiyo mashaakilka uusan waxba ka qaban karin.

2-Rikoorka hurdo la,aanta waa 18 maalin 21saac iyo 40 daqiiqo qofkii sidaas sameeyayna waxaa toos loo geeyay isbitaalka dadka waalan kadib markuu waashay.

3-sidoo kale Daraasada waxay sheegtay in qofkii aanan seexan ku dhawaad 60saacadoo uu maqlo cod ama jabaq aanan jirin.

4-Celcelis ahaan insaanka dabiiciga wuxuu hurdo la,aan ahaan karaa 72saacadood oo u dhiganta 3maalin.

5-Ma ogtahay in biyaha culus yihiin isku dhis kiimikeed hab qoraalkoodu yahay D2O waxayna matalaan 0..014% biyaha caadiga ah.

6-Finland waa ka mamnuuc in ardayga loo qoro tamaarin xalkiisa qaadanayo 30daqiiqo kabadan maalintii.

7-Ma ogtahay in noolaha Ayaxa uu leeyahay ku dhawaad 900 oo muruq madax banaan wuxuuna insaanka ka badan yahay qiyaastii 200 muruq.

8-Xaalada loo yaqaano Diyazaniya waa xaalad nafsiyeed laga helo 90% dadyowga dunidaan ku nool subacii hore markii hurdada laga kicinaayo.

Waxaana la ogaaday in go,aanka uu hurdada uga kacaayo qofka uu yahay go,aankii ugu xumaa uguna adkaa uu qofka gaaro noloshiisa.

Waqtigaas qofka uu go,aanka gaarayo wuxuu mararka qaar diidi karaa waxkasta loo soo bandhigo asigoo door bidaya inuu hurdadiisa sii wato.

9-Dadka aanan imtixaanaadka juhdi badan ku bixinin balse diyaariya markii imtixaanka lagali rabo hadana ku baasa waxaa la ogaaday iney yihiin dadka u cabqarisan uguna maskaxda fiican kana fiicanyihiin dadka kale maadaama ay awoodaan in xal dagdag u helaan mashaakilka markaas taagan.

10-Ogoow cabsida dumarka ka qabaan cayayaanka ineysan aheyn cabsi iska keen ah balse ay tahay cabsi uu alle ku abuuray si caadi ahna uga cabsadaan xasharaadka.

11-Macalimiinta aanan isku howlin dabagalka ama kormeerida ardaydooda isla markaasna dan ka laheyn natiijada ardayga baaritaano ayaa waxaa lagu ogaaday in intooda badan aysan raali ka aheyn nadaamka ama maamulka meesha ka jira.

Qodobkee kusoo jiitay oo ka heshay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here