Xog muhiim ah; Taxliil ku saabsan taxanaha Hercai xalqadiisa 20aad iyo isbadalada dhaceen.

0
10461

Waxaa habeenkii sabtida la daawaday taxanaha Hercai xalqadiisa 20aad waxaana halkaan uga hadli doonaa taxliil ku saabsan xalqada iyo isbadalada soo kordhay.

Ugu horeyn xalqada 20aad ma laheyd wax isbadal ah??

Jawaabtu waa maya wax cusub ee soo kordhay ma jiraan ka xalqo ahaana mid caadi ayay aheyd .

Majirtaa sir kamid ah siraha qarsoon oo la ogaanayo?

Jawaabtu waa maya xalqada 20aad wax sir ah oo la ogaanayo malahan waxaana iska soconaayo dhacdooyin iska caadi ah misna xiiso gaar ah laheyn.

Xalqada xamaasadeeda siduu ahaa?

Gabi ahaanba xalqada wax xamaasad ma aysan laheyn waxayna inta ugu badan ku dhamaanee in Hazar uu nolol iyo geeri u dhaxeeyo iyo qoyskiisa oo arintiisa ka walwalsan.

Hadaba guud ahaan xalqada waxay aheyd mid iska caadi ah wax cusubna lagu soo bandhigin isla markaasna aad moodid in dhacdooyin hore lagu soo celcelinaayo sida muuqaalada Reyyan iyo Miran, is qabqabsiga Azaad iyo Miran iska daba wareega Nasuh iyo Reyyan.

Adiga ahaan hadaad xalqada daawatay sidee kula aheyd???

Fikirkaaga nala wadaag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here