Aqristayaasha qiimaha badan kusoo dhawaada warbixin xiiso badan oo u gaar ah Superstar Sanjay Dutt waana xogta qarsoon ee aan halyeegaan idinkana soo aruurinay ka bogasho wacan:

Magaciisa: Sanjay Balraj Dutt

Naaneestiisa: Sanju Baba, Munna Bhai, halka Soomaalida u taqaan Aaltamooda,

Xifradiisa: Jilaa & Filim soo saare

Doorkiisa ugu caansan: Murli Prasad Sharma (Munna Bhai), laakiin dhanka Soomaalida doorkiisa ugu caansan waa Baaba waa doorkii filimka Aatish uu ku matalay.

Sanadaha uu shaqada filim jilista ku guda jiro: 1981 ilaa hadda

Dhirirkiisa: 1.83m

Culeeskiisa: 85 kiilo sida dhex dhexaadka ah

Midibka indhihiisa: Maddoow baroon ah

Midibta timahiisa: Cirro iyo xoogaa maddoow ah isku jiro.

Xiliga uu dhashay: 29 July 1959 waa 60-jir

Diintiisa: Hindu

Raashiinka uu xiiseeyo: Qudaar ma cuno ama waa Non Vegetarian taasi oo ka dhigan hilibka noocyadiisa kala duwan inuu cuno.

Goobta uu ku dhashay: Bombay ama Mumbai

Dhalashadiisa: Hindi ama Hindiyaan

Deegaanka uu hadda ku nool yahay: Pali Hill, Bandra, Mumbai, Maharashtra, India

Heerkiisa waxbarasho: Dugsi sare wuxuu kaga baxay Lawrence School, Mumbai ku yaalo, kadib heerkiisa wax barasho kale xog lagama haayo ama inuu heesto shahaaho jamaacad.

Qoyskiisa xog ku saabsan: Aabihiis waa Sunil Dutt oo ahaan jiray jilaa iyo siyaasi caan ah wuxuuna geeriyooday 2005, hooyadiis Nargis waxay ahaan jirtay atirisho caan ah waxayna geeriyootay 1981, walaashiis Priya Dutt waa siyaasi caan ah.

Xaaladiisa nololeed: Waa xaasle waxaana u dhaxdo Manyata Dutt oo ahayd atirisho Bollywood-ka ka tirsan waxayna u dhashay labo caruur mataane ah Shehraan iyo Iqra.

Wuxuu saaxiib lasoo noqday atirishadii Tina Munim intii u dhaxeesay 1981 ilaa 1983.

Wuxuu guursaday atirishadii Richa Sharma waa xaaskiisii kowaad wuxuuna qabay intii u dhaxeesay 1997 ilaa 1996 waxayna geeriyootay 1996 waxayna u gashay gabbar lagu magacaabo Trishala Dutt.

Wuxuu jaceyl la wadaagay Madhuri Dixit intii u dhaxeesay 1990 ilaa 1993.

Wuxuu guursaday Rhea Pillai oo Model ahayd sanadii 1998 balse sanadii 2002 ayay nolosha isku firaaqeeyeen waxayna si rasmi ah u isku fureen sanadii 2008.

Siduu shaashada kusoo galay Sanjay Dutt ama jilaa ku noqday: asigoo caruur ah wuxuu kasoo muuqday filimkii Reshma Aur Shera (1972) ee aabihiis Sunil Dutt hogaamiye ka ahaa. Kadibna filimkiisii kowaad ee uu hogaamiye ka noqday waa Rocky oo sanadii 1981 la daawaday.

Filimkiisii ugu horeeyay ee uu maal galiyay ama soo saare ka noqday: Shortkut (2009) waxaa hogaamiyaal ka ahaayeen Akshaye Khanna iyo Arshad Warsi.

Markii ugu horeesay ee uu Dutt TV-yada kasoo muuqday: Big Boss 5 ayuu Salman Khan la xariiriyay sanadii 2011.

Sanjay Hobigiisa maxaa ka mid ah ama waxyaabaha uu ka helo: Kitaarka inuu garaaco, sawiro inuu qaado, cunto karinta noocyadeeda kala duwan, shaqooyinka u yaalo inuu juhdi badan galiyo, farda fuulka ama wadista fardaha.

Sanjay Dutt iyo jilaayaasha uu taageero: Rajesh Khanna, Amitabh Bachchan, Nargis (hooyadiis), Sharmila Tagore (Saif Ali Khan hooyadiis).

Sanju iyo fanaaniinta uu ka helo: Kishore Kumar, Lata Mangeshkar.

Sanju & saaxiibada uu Bollywood-ka ku leeyahay: Salman Khan, Suniel Shetty, Shah Rukh Khan, Rajkumar Hirani, Manisha Koirala & Jackie Shroff

Sanjay Dutt iyo baabuurta nooca raaxada uu heesto: Porsche SUV oo lagu qiimeeyo $60,600, Red Ferrari 599 GTB oo lagu qiimeeyo $118,599, BMW 7 series oo lagu qiimeeyo $96,950, Audi R8 Two Seater oo lagu qiimeeyo $164,900, Audi Q7 oo lagu qiimeeyo $199,770, Rolls Royce Ghots oo lagu qiimeeyo $528,220.

Sanjay Dutt iyo halka uu daqliga kasoo galo: halkii filim wuxuu ku sameeyaa  5 Crore ilaa 6 Crore qiimo u dhaxeeyo oo u dhiganto $703k ilaa $843k.

Daqliga uu heesto Sanjay Dutt: 160 Crore oo u dhiganto $22.5m waa xogta 2019 la helay.

Sanjay Dutt iyo shacbiyada uu baraha bulshada ku leeyahay: Facebook (886k), Twitter (2m), Instagram (2.4m).

Sanjay Dutt iyo abaal marinada uu ku guuleestay: guud ahaan wuxuu hantay 17-biladood oo kala duwan, balse abaal marinta ugu caansan gudaha Hindiya Filmfare Awards labo jeer ayuu ku guuleestay oo kala ah qaybta atooraha ugu wanaagsan uu ku qaatay filimkii Vastaav (1999) iyo shactiroolaha ugu wanaagsan oo uu ku qaatay filimkii Munna Bhai (2003).

Dhamaad,

Waad  ku mahad santahay aqrinta warbixintan Sanjay Dutt u gaar ahayd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here