Xoog weynihii Salman Khan waardiyeyn jiray oo asigoo qaawan magaalo dhan qarbuday xitaa Boolis taag waa u waayeen.

0
2856

Booliska India ayaa xabsiga u taxaabay waardyihii khaaska ee aktarka Salman Khan kadib buuq iyo qarbudaad uu ka geystay magaalada Murat Abad.

Anas Qureshi oo ahaan jiray waardiyaha khaaska ah ee jilaaga Salman Khan ayaa khamriga iska badiyay kadibna asigoo qaawan kusoo dhex dhacay magaalada Murad Abad wuxuuna magaalada bartankeeda ka bilaabay qarbudadaad.

Anas Qureyshi ayaa qofkasta oo magaalada soo maro tuuryeynayay asigoona sidoo kale gawaarida jidka mareysay burburinayay ilaa markii dambe booliska yimaadeen gacantana ku dhigeen.

Anas intaas kuma harine hadana booliskii ayuuba ku bilaabay asigoona gabi ahaantoodba u xoog sheegtay isla markaasna gacantooda ka baxsaday balse booliska ayaa markale qabtay balse waa mar ay rafaadeen iyagoona toogtaan shabaq u adeegsaday maadaama xoog iyo gacan lagu qaban waayay.

Muuqaalka Anas laga duubay asigoo qaawan ayaa baraha bulshada lagu sii daayay balse anshax ahaan masoo gudbin karno muuqaalkaas.

Salman ayaa ninka shaqada ka racadeeyay markii kufsi lagu eedeeyay 2017 sidoo kalena hadda wuxuu ka mid yahay ilaalada wasiirka amniga maamulka Maharshtra ee Mumbai xarun u tahay

Booliska waxay sheegeen in Qureshi ka niyad jabay markii tartanka murqaha iyo awood soo bandhigida deegaankiisa looga guuleestay taasina ay sababtay qamri xad dhaaf ah inuu cabo.

Anas Qureyshi ayaa hada isbitaalka dhimirka yaalo waxaana lagu wadaa dhaqan celin in halkaas loogu sameeyo iyadoona jilaaga Salman Khan oo uu 2 sano kahor ilaaladiisa khaaska kamid ahaa wali arintaan uusan ka hadlin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here