Xumaanta qabyaalada; qormo xiiso leh.

2
1511

Diinta islaamka waa diin xaniif ah misna saafi ah kana fog cunsuriyada iska hor imaadka iyo qabyaaladaba, diinteena suuban waxay ixtiraamtaa basharka oo dhan iyo jinsiyada uu qofkastaba heysto waxa kaliya ee dadku ku kala sareeyaana waa cabsida alle mana fiiriso diinta islaamka xidid iyo midab midna.

Nabigeena Muxamed scw wuxuu noogu yeeray oo na faray inaan is walaaleysano dhexdeena anagoona iskala soocin isna fogeynin, wuxuuna na amray inaan ka fogaano qabyaalada iyo is xigsiga waayo arimahaasi waa wixii laga soo gaaray casrigii jaahiliga inaguna waa nagu waajib inaan baabi’inaa siduu xabiibkeena Muxamed scw ina faray.

Sida xadiith ka sugnaaday Jaabir bin Cabdillaahi waxaa laga wariyay inuu yiri; “waxaan aheyn kuwa duulaan ah, markaas ayaa mid muhaajiriinta ka tirsan wax ku dhuftay mid ansaari ah, markaas ayaa ansaarigii yiri yaa ansaar aheey, muhaajirkiina wuxuu yiri yaa muhaajiriin aheey, (oo waa la isku habar wacday). waxaana arinkii maqlay nabiga scw wuxuu yiri “maxay tahay dacwadaan jaahiliga ah?” Markaas ayay arinkii u sheegeen, Nabiga scw wuxuu yiri; “isaga taga iyadu (qabyaalada) waa qurune”.

Waxaa dhacdadaas maqlay munaafaqii weynaa Cabdullaahi bin Ubay bin Salool wuxuuna yiri; ma sidaas bay sameeyeen? Wlhi hadaan madiino u laabano kuwa gobta ah baa waxaa ka saari doono kuwa gunta ah.

Arinkii waxay gaartay nabiga scw markaas ayaa waxaa istaagay Cumar bin Khadaab oo yiri; isii daa rasuul allow aan munaafaqaan qoorta ka jaree”.

Nabiga scw ayaana Cumar ugu jawaabay; “mayee iska daa si aysan dadka ugu sheekeysan muxamed asxaabtiisa ayuu dilaa”.

Xadiithkana waxaa wariyay imaamu Bukhaari.

Islaamka wuxuu u yimid inuu meesha ka saaro caadooyinkaasi xunxun sidaas owgeed dadka oo dhan wuu simay umad kasta iyo shacabkastana wuu simay, madowga iyo cadaanka wuu simay, faqiirka iyo taajirka wuu simay, xoogweynaha iyo kan tabarta darana wuu simay, ma jiro qof uu islaamka u xagliyo mana jiro qof uusan xaqiisa siinin.

Islaamka guusha markasta wuxuu siiyay midka xaqa ku taagan ee laga gardaranyahay si kasta ha u tabar daraadee, midka daalimka ee xadgudba islaamka garab ma siiyo wuxuuna dhigaa xadkiisa xitaa hadii ugaas beeleed yahay ama madaxweyne dal.

Islaamku dhaqankiisa waa sidaas, dadka oo dhan hal calan hoostiisa ayuu dhigay waana calanka towxiidka LAA ILAAHA ILALLAAH, dhammaan dadka calankaasi ku hoos noolna waa simanyihiin, lama ogola qabyaalad iyo qaraabo kiil xitaa hadii qureyshtii nabiga scw laga soo saaray meesha timaado dadka kale waxba ma dheera.

Caqiidadaan waa mida Bilaal oo xabashi ahaa la sintay ugaasyadii qureysheed ee muslimiinta ahaa, waa mida Suheyb binu Sinaan Al-ruumi oo cajam ahaa la sintay walaalihiisa carbeed iyadoona meesha marnaba ka marneyn jaceylka walaalnimo ee islaamka dhex dhigay.

Nabiga scw wuxuu ku tilmaamay kan qabyaalada u yeeranaya inuu ka furtay xarigii iimaanka iyo towxiidka una talaabay gaalnimo alle ayaan ka magangalnee, wuxuuna dadka u cadeeyay inuusan marnaba kamid ahayn muslimiintana kamid aheyn kan dadka qabyaalad ugu yeera ama qabyaalad u dagaalama, ama qabyaalad ku dhinta sida axaadiith-ta kusoo aroortay.

Ugu dambeyn inagu hadeynu soomaali nahay waxaan bartanka kaga jirnaa suntii qabyaalada waxaa shaki ku jiraa iimaankeena iyo islaamnimadeenaba waayo islaamka wuxuu xaaraantinimeeyay ayaan baneysanay waxaan isku dilnay qabyaalad, waxaan isku faquuqnay qabyaalad, waxaan wax ku xukminay qabyaalad,waxaan wax ku qeybsanay qabyaalad, waxaan iimaan ka dhiganay qabyaalad, waxaan isku xukunay qabyaalad, waxaan kuwada joognaa qabyaalad, waxaan ku heshiinaa qabyaalad, waxaana wax walba kusoo koobnay qabyaalad.

Nabiga scw wuxuu na yiri; ” isaga taga qabyaalada waa qurune” balse anaga qurunkaas ayaan dooranay.

Waxaan nahay dad qurunkaas kudhex jiro, oo qurunkaas cuna, oo qurunkaas aaminsan, oo qurunkaas wqx walba ka hormariyo sidee ayaan markaas ku dooneynaa inaan nadiif noqono?

Ilaahay wuxuu ina siiyay garasho iyo caqli kuligeen caqli aan xaqa iyo baadilka ku kala saarno waan leenahay lkn sheydaan ayaa hogaanka inoo haya oo inaga guuleystay walina isdaba qabasho waan leenahay ee aan is qabano oo qurunkaas ka tagno.

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here