Abhishek Bachchan iyo Kareena Kapoor hal Filim ayee iskula soo caan baxeen waana Filimkii Refugee ee la daawaday sanadkii 2000 wixii markaas ka dambeyay labadan xidig dadaak weyn ayee la yimaadeen balse Bebo ayaa noqotay midka dadaalkeeda miro dhal sameeyo ilaa ay ka noqotay Superstar.

Mashruucan intee howshiisa socotay hogaamiyaasha Filimka wareysiyadii laga qaaday arimo badan ayee kaga hadleen maadama ay fanka ku cusbaayeen arinka xiisaha leh ayaa ah in labada qoys ee Kapoor iyo Bachchan xiligaas aad isugi dhowaayeen xidid inee noqdaan ayaana la qorsheeynaayey.

Sababtana waa Abhishek Bachchan iyo Karisma Kapoor ayaa xiriir ka dhaxeeyay waqtigaa sidaa aawged dadka kale wey isaga dhowaayen labada qoys xiriir wanaagsan oo soo jireen ahna waa jiray hadaba arinka maqaalkan aan kuxuseena misane muhiimkiisa yahay waa in Abhishek dadka hortooda shaaca kaga qaaday cabsida Kareena dareentay. Markii howsha duubista Filimka dhamaatay xafladii ugu horeysay ee la qabtay misane

mashruuca lagu soo bandhigaayey waxay ahed munaasabad Music-da Filimka lagu soo bandhigay waxaana isugu imaadeen meesha xidigo badan oo shirkada katirsan.

Abhishek hadal-jeedintiisa waxuu kusoo darsaday inuu goobta kula kaftamo Kareena waxuuna yiri isagoo ka hadlaayo,”gadaasheyda waxaa taagan Bebo (Kareena Kapoor) oo aniga ii wakiilatay inaan u hadlo sababto ah xishood iyo cabsi ayee isku darsatay hortiina intee soo istaagto halkaan hadal kama jeedin karto waaba markii ugu horeysay ee masrax soo fuusho.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here