Waxaan bilaawnay barnaamij aan idinku madadaalineyno oo aan maalin walba kusoo qaadaneeno hal filim waliba waxaan soo qaadaneena maalinkaas filimka la daawaday taariikh ahaan waxaana maanta miiska inoo saaran filimka Main Khiladi To Anari.

Maanta oo kale 23-Sep 1994 ayaa la daawaday darajadiisa waa HIT waxuu keenay ganacsi ahaan 7.88 Crore oo maanta udhiganta 106 Crore waxaa hogaamiyeen Akshay Kumar, Saif Ali Khan, Shilpa Shetty iyo Raageshwari.

Waa filim siweyn loo jecel yahay Album-ka heesihiisana guul weyn gaareen waxaana kujirta heeskii caanka ahed ee “Chura ki Dil Mera Goriya Chale”

Hadaba akhriste seddex sheey nala wadaag waana maqaal madadaalo ah:

1-Markii ugu horeysay aad daawatay Filimkaa halka aad ka daawatay?

A: Shaleemo                                               

B: Internet

C: Cajalad Guri

2-Waxa ugu weyn ee kuxiiso galiyay markaa daawatay filimka?

A:Sheekada Filimka

B:Heesaha Filimka

C: Bandhiga Jilayaasha

3-Jilaage ugu jiliin fiican 6-jilaa soo socdaa?

A:Akshay Kumar

B:Saif Ali Khan

C:Shilpa Shetty

D:Raageshwari (Atiriishada Saif)

E: Kader Khan

F: Johhny Lever (Amadi)

Waxaan sugnaaba waa jawaabtiina ma ahan qasab inaad ka jawaabto ee waa iska madadaalo uun sido kale adigoon is wareerin waxaad dhihi kartaa tusaale “waxaan ka daawaday Shaleemo waxaan ka helay heesaha filimka waxaana ugu jiliin fiicnaa Akshay”qaab noocaas ookale ayaad kaga jawaabi kartaa hadaa rabto.

4 COMMENTS

  1. Mgc waa c.raxmaan waxaan ka daawaday shaleemo ku taalo dagma hawl wadaag sanadka ma xasuusto waxaan ka helay doorka saif Ali Khan waxan ka jeclahay heesta guraka dil mera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here