waa wax dabiici ah inad ku kalsoonan karin doorka aktar caawihaya inuu mar walba uu saameyn ku leeyahay sheekada filimka laakiin waxaa qasab ah in doorarka shactirada ay muhiim u ahaayeen aflaamta 90s

waana mid xiligaas lagu bartay aktaro badan oo looga haray dhanka shactirada waxaana jireen aktaro badan oo looga haray dhanka shactirada kuwaaso mar walba na madadaalin jireyn kaliya maahan raga sida Amadi, Paresh Rawal, Shakti, Kader khan iyo kuwa kale oo badan

laakiin waxaa jirayn gabdho xiligaas kuwa dadka ka qoslin jireyn sida Guddi Maruti oo soomaalida ugu yeerto uureey madhasho waxa ay 90s ka mid ahayd dadka ugu haystay dhanka shactirada

iyadoo lasoo shaqeesay aktarada ugu waa weynayd sida akshay kumar govinda salman khan Ajay Devgan iyo Shah Rukh Khan iyadoo in badan soo madadaalisay dadka in badan hadda guddi ma sameyso wax filim ah iyadoo waqtigayda siisay qoskayda

iyada hadda waxa ay jirtaa 59 sano waxaana dhawaan lagu arkay masrax laakiin waxaa si weyn loola yaabay muuqaalkeeda madaama ay iska dajisay cayil fara badan iyadoo muuqaalkeeda uu hadda yahay sidan

Guddi aflaamta caanka ay sameesay waxaa ka mid ah Shola Aur Shabnam, Chamatkar, Balwaan, Dulaara, Chhote Sarkar, Dulhe Raja iyo aflaamo kale oo badan iyadoo sheegtay inay mar dhaw Rajeenayso inay dib ugu soo laabato jilista aflaamta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here