Todobaadkan Superstar Govinda wuxuu kasoo muuqday barnaamijka shactirada badan The Kapil Sharma Show ee shactiroole Kapil Sharma xariiriye ka yahay balse si la yaab leh barnaamijkan waxaa kaga maqnaaday shactiroolaha iyo jilaaga lagu magacaabo Krushna Abhishek oo barnaamijkan inta badan kaga soo muuqdo qof dumar ah gara ahaan doorka Sapna waa door aad loo jecel yahay.

Madaama Krushna Abhishek soo xaadiri waayay The Kapil Sharma Show waa la iska fahmay inuu diidan yahay in abtigiis Govinda uu barnaamijkan kala soo muuqdo inkastoo horey marar kala duwan labadaan dadka si wadajir ah kaga qoslisiin jireen aadna looga heli jiray kaftanka ay TV-yada ka sameyn jireen.

Krushna Abhishek iyo abtigiis Govinda xiriirka ka dhaxeeyo wuxuu xumaaday sanadii 2018 kadib markii Govinda xaaskiisa Sunita ay qoraal dhanka baraha bulshada ah ku weerartay Krushna Abhishek xaaskiisa Kashmira Shah sawir ay soo dhigtay waxayna Govinda xaaskiisa tiri “Waxaa tihiin dad u cayaaro ama Dance u sameeyo sidoo aad lacag ku heli laheedeen waayo noloshiina wax kale kuma dabari kartiin!”

Hadalkaas Krushna Abhishek siweyn ayuu u dhaawacay balse Govinda wiilka uu abtiga u yahay marnaba ma uusan raali galin ee xaaskiisa Sunita ayuu la saftay, waxaana dhacday in sanadkii hore Govinda iyo xaaskiisa lagu casuumay barnaamijka The Kapil Sharma Show waxaana loo diday Krushna Abhishek inuu barnaamijka ka qayb qaato madaama Sunita waa Govinda xaaskiisa ay diiday wiilka ay habar yarta u tahay inuu masraxa la wadaago!

Hindiya oo idil ayaa markaas ogaatay xiriirka ka dhaxeeyay wiil iyo abtigiis inuu bur buray sababna ay u tahay Govinda xaaskiisa. Sidaa darteed hal sano kadib waxaa la islahaa qoyskan wey heshiiyeen laakiin taasi ma aysan dhicin madaama todobaadkan Krushna Abhishek qayaarkiisa uga baaqday barnaamijka The Kapil Sharma Show kadib markii uu ogaaday in Govinda lagu casuumay oo aysan la soconin Sunita balse wuuba diiday inuu abtigiis masraxa la wadaago madaama Govinda xalin waayay gafkii xaaskiisa u geesatay wiilka uu abtiga u yahay.

Krushna Abhishek xitaa wuxuu ii sheegay inta sanadkan bandowga Hindiya ka jiray saameynta karoonaha awgeed uu la xariiray abtigiis Govinda balse marnaba uusan taleefoon qabanin xitaa wuxuu u reebay fariin codeed uu ku wargalinaayay in Krushna Abhishek labadiisa caruur mataanaha ah mid ka mid ah nafsadiisa halis ku jirto sidoo kalena isbitaal ay kula jiraan laakiin Govinda uma soo jawaab celin wiilka uu abtiga u yahay todobaadkana weyba cadaatay xiriirkooda inuu marhore bur buray marba haddii Krushna Abhishek uu diiday inuu abtigiis masraxa la wadaago.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here