Hollywood Stars Leonardo DiCaprio & Robert De Niro ayaa markii ugu horeesay filim dhameestiran kasoo wada muuqan doonaan waana labada lagu tilmaamo yihiin kuwa ugu jiliinka wanaagsan jiilkooda waxaana siweyn loo soo dhaweeyay mashruuca ay labadan halyee ku midoobeen kaasi oo dhawaan shaqadiisa bilaaban doonto.

Leonardo DiCaprio & Robert De Niro waxay kasoo wada muuqan doonaan filimka la dhaho “Killers Of The Flower Moon” waxaana Director ka ah Martin Scorsese oo noqday shaqsiga ka dambeeyo in labadan superstar shaashada ku midoobaan weliba filimkaana door isla eg ama isku mid ah ayay ka qaadan doonaan.

Filimka Killers Of The Flowers Moon sheeko ahaan waxaa laga soo min guuriyay buugii 2017 lasoo saaray ee isla magacan watay kaasi oo ka hadlaayay sheeko dhacday waqtigii 1920-aadkii kuna saabsaneed dad badan oo Mareekanka ah oo lagu dilaayo Oklahoma kadib markii shidaal laga helo dhulkaas dhulkoodana xoog looga qaadanayo kadibna FBI-da ayaa baaritaan balaaran sameenayaan si loo ogaado ciddii ka dambeesay dadka la dilay dhulkoodana xooga looga qaatay!

Filimkan weyn duubistiisa waxay bilaaban doontaa xiliga Gu’a ama laga bilaabo bisha April waxaana lagu duubi doonaa Oklahoma weliba Director Martin Scorsese wuxuu ku kalsoon yahay filimkan in la daawan karo qaybaha dambe sanadkan waana arin xiiso badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here