Mega Star Salman Khan ma doonayo hogaanka Bollywood-ka uu u haayay 10-kii sano aan kasoo gudubnay (2010-19) inuu lumiyo sidaa darteed wuxuu shaaca ka qaaday in sanadka dambe sedexda fasax ama feesto Hindiya ugu weyn labo ka mid ah isaga carbuuntay weliba hal shirkad ayaa labadan filim u maal galineyso.

Waxaan wada ognahay in Salman Khan sanadkan u diyaarsan yahay filimka Radhe oo la daawan doono Eid 2020 kadibna wuxuu duubis ku bilaabi doonaa filimkiisa xiga Kabhi Eid Kabhi Diwali kaasi oo la daawan doono Eid 2021 wuxuuna kusii xijin doonaa filimkiisa kale ee caanka ah Kick 2 lana daawan doono Christmas 2021.

Labadan filim Sallu sanadka dambe lasoo shirtagi doono waxaa maal galineyso shirkada Nadiadwala Grandson ee Sajid Nadiadwala madax u yahay sidoo kalena filimka Kabhi Eid Kabhi Diwali waxaa Director ka ah Farhad Samji halka Kick 2 uu agaasime doono Sajid Nadiadwala oo horey u sameeyay qaybtii Kick ee sanadii 2014 la daawaday.

Megastar Salman Khan culees xoogan ayaa soo wajahay dhawaanahan madaama sedexdiisa filim ugu dambeeyeen Race 3, Bharat iyo Dabangg 3 midna HIT dhameestiran noqonin halka markii hore uu caan ku ahaa filim walbo uu la imaado inuu Blockbuster noqdo haddana wuxuuba waayay HIT inuu helo iskaba dhaaf Blockbuster balse Khan-kan wuxuu diyaar u yahay inuu si adag usoo rogaal celiyo oo uu awoodiisa hogaaminta Bollywood-ka ku xajisto filimada Radhe, Kabhi Eid Kabhi Diwali iyo Kick 2.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here