Mega Star Salman Khan filimkiisa Radhe – Your Most Wanted Bhai waxaa la daawan lahaa 22-ka bishan May ama Ciidul Fitrigan balse haatan suurta gal ma ahan madaama bandowga Hindiya saaran ku eg yahay 17 bishan May sidoo kalena filimkan hal ama labo hees ayaa u harsan duubis ahaan.

Haddaba shirkada sida Online ah aflaanta Internet-ka ugu soo fasaxaan oo ay ka mid yihiin Netflix, Amazon Prime iyo Disney+Hotstar ayaa damceen inay iibsadaan filimka Radhe kadibna si Online ah Internet-ka looga daawado laakiin shirkada Salman Khan Films waxay dalbatay lacago waali ah oo aan la bixin karin.

Sida la ogaaday Salman Khan iyo kooxdiisa filimka Radhe waxay dalbadeen 250 Crore ($33.09m) in la siiyo haddii mashruucooda tiyaatarka ka baaqanayo oo laga daawan doono si Online ah Internet-ka weyna ku adag tahay qolyaha adeegaan bixiyaan lacagahan waalida ah inay filimka Radhe ka bixiyaan ayadoo dunida dhaqaale xumo baahsan ka jirto.

Salman Khan mashruuciisa waxaa lagu kalsoon yahay marka xaalada caadi kusoo laabato haddii tiyaatarada la saaro inuu ganacsi weyn sameyn karo sidaa darteed kooxda filimkan waxay diyaar u yihiin inay dul qaad muujiyaan oo ay xaalada sugtaan inta iska badaleyso ama haddii kale 250 Crore la siiyo si ay Radhe u ogolaadaan in si Online ah Internet-ka looga daawado.

Filimka Radhe – Your Most Wanted Bhai waxaa Director ka ah Prabhudeva halka Disha Patani, Randeep Hooda, Jackie Shroff iyo jilaayaal kale doorar muhiim ah ku leeyihiin waana filim weyn oo Action iyo arimaha dambi baarista booliska ka hadlaayo Salman Khana ku jili doono askari mayal adag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here