Bollywoodka in la is faquuqo muuqaalka qofkana lagu takooro wax maanta iyo shalah bilawday ma aha waligeed ayee ka jirtay qof aan soo jiidasho laheen kaamerada horteeda looma ogolaan jirin si kasto xirfadiisa u sareyso.

Waxaan idiin heynaa 12 jilaa maqaam sare fanka hindiya ka gaareen maanta iyo shalay sida loogu diidi jiray inee shaqo ka helaan Bollywood ama soo galaan waxaana la dhihi jiray waad foolxuntihiin qurux ma lihidiin sidaa aawgwd shaqo idiin ma heyno hoos kaga bogo liiska jilayaashan.

1-Katrina Kaif:

Katrina Kaif Rejected For Looks

Maanta waa mid kamid ah haweenka ugu quruxda badan Bollywoodka maqaam sarena ka gaartay fanka dadaal badan ay usoo gashay aawgwd balse Katrina marke India timid dhib ayee kala kulantay shirkadaan.

Xidigtaan waxay weysay shaqo Filimsameyaal badan ayaa diideen inee atiriisho ka dhigaan sababto ah muuqaalkeeda ayaa ahaa reer England gabar hindu ah ayaana meesha laga rabaa oo muuqaal hindu ah leh.

Kaif waayaheeda fanka waxaa soo garab qabteen Salman Khan iyo Akshay Kumar hindi ayee u ekeysiyeen wax badan ayee bareen luuqada hindige bareen filimadooda ayee atiriisho kowaad kaga dhigeen ilaa dadka oodhan ka jeclaadeen dadkii shalay cadaan aa tahay dhahaayey ayaa bilaaween inee ku baryaan filimadooda maadama quruxley hindu ah noqotay guulna u saaxiib ah.

2-Govinda:

Young Govinda

Xidigaan 3 caqabad ahaa heesatay waayihiisa bilawga fanka kow luuqada ingiriiska si wanaagsan uguma fiicneen mida labaad atoore jirdhisan ma aheen mida seddexaad wajigiisa soo jiidasho maleheen inkasto dadka isku aragti aheen laakiin Govinda af quruxnaan ayuu udhashtay xidigaan.

Markii hore muuqaalkiisa ayaa lagu diiday waxuuna bilaaway aflaam baaba raqiis ah inuu sameeyo adkeysi badan ayuu sameeyay si caqliyesan ayuu doorar labaad kaga muuqan jiray isagoo la shaqeyn jiray Big Stars-ka awooda lahaayen markuu jadwalka fahmay filimsameyaashana shactiradiisa ka heleen ayee bilaawen inee la shaqeyaan.

Balse Govinda Filimsameyaha aflaamta ugu badan uu la sameeyay waa David Dhawan oo saaxiib isku dhow ay ahaan jireen Super star ayuu ku noqday Big Hits-kii David Dhawan u sameeyn jiray.

3-Shah Rukh Khan:

Young Shah Rukh Khan

Waxaa la sheegay inuu shirkada Bollywoodka soo dhaweyn ka heli waayey fagti hore waxaana la dhihi jiray niyahow daawadayaasha inee kugu qoslaan miyaa rabtaa wajigaan soo dhaweyn kama helesid ee iska laabo halka isagana uu ku baryootami jiray bal halmar uun i tijaabiya hal filim aan sameeyo hadii la idiido waan arkaa.

Tv-yada ayuu u wareegay musalsalo ayuuna sameyn jiray xidigaan markii dambe Hema Malini ayaa fursad siisay oo Dil Aashina la saxiixatay hadane isla sanadkaas Deewane ayuu saxiixday SRK jaceyl waali ayaa loo qaaday markuu shaashada kasoo muuqday taariikhdii la ogaa ayuuna dhigay wixii markaas ka dambeyeen.

4-Irrfan Khan:

Irrfan Khan Young

Xidigaan xirfadiisa qarash gareyaal badan wey xaqiri jireen mushaarka shaqadiiisa u qalantay lama siin jirin waxaana shuruud looga dhigi jiray sma inuu saas ku shaqeesto ama iska daneesto oo waxaaba la dhahay nasiib ayaa leedahay adoo wajigaan leh hadaa kuu ogolaanay filimadeena doorar inaa kaa siino.

Irrfan maanta maqaam sare ayuu gaaray waana mid kamid ah Raggga ugu magac weyn Bollywoodka.

5-Anushka Sharma:

Anushka Sharma rejected for looks

Shirkada Yash Raj Filims ayaa soo caan bixiyeen xidigtaan balse SRK ayaa usabab ah sababto ah dhowr jeer ayee diideen shirkadaas atiriishadan waxaana la dhihi jiray soo jiidasho malihid nasiib wanaag King Khan ayaa Rabne Bana Di Jodi kusoo daray atiriisho kowaadna kaga dhigay.

Waxuuna Yash Raj Filims ka dhaadhiciyay in Anushka xirfad fiican tahay fursadna la siiyo in badan ayuuna xidigaan u dooday ilaa oday Yash ka ogolaaday ileen SRK shirkadaas waa ninka soo garab qabtay hadalkiisa lama diidi karo. Kadib Anushka xidig caan ah ayee noqotay maantana magac iyo maqaam.ka heshay fanka marwalbana SRK ayee u mahad celisaa.

Lasoco Qeybta Labaad Amitabh Bachchan, Ajay Devgn, Arjun Kapoor iyo xidigo kale ayaa kujiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here