Home » Arimaha Bulshada » YAAB: Gabar 15 jir ah oo madaxa iyo gacanta ka jartay gabar ay isku fasal ahaayeen, maxayse ku maagtay?

YAAB: Gabar 15 jir ah oo madaxa iyo gacanta ka jartay gabar ay isku fasal ahaayeen, maxayse ku maagtay?

Gabar 15 sanno jir ah oo iskool dhigata una dhalatay dalka Japan ayaa waxaa ay dishay gabar ay isku fasal yihiin, iyadoo madaxa ka jartay gacanta bidixna ka goysay, shilkaani wuxuu ka dhacay magaalada Sasebo.

Aiwa Matsuko waa gabadha la dilay, waalidiinta dhalay Aiwa Matsuko ayaana boliiska wargeliyey ka dib markii ay gabadhoodu guriga kusoo laaban weysay.

Nagasaki Prefectural Police ayaa kiiskaan haatan gacanta ku haya, waxayna sheegeen inay dilkaan gaysatay gabar aan sababo dhanka sharciga ah dartiis magaceeda loo sheegin, taasoo Matsuko 10 jeer ku durtay mindi aan aflaheyn.

Ka dibna qoorta ayey ka jartay, waxaana intaas sii dheer inay gacanta bidix ka jartay, markaanse waxay adeegsaneysay mindi weyn.

Boliiska ayaa caddeeyey inay jirkaas laga jaray dhibanaha laga helay sariirta gabadha looga shakinsan yahay inay dilkaan ka dambeysay. Sababtii ay weerarka ugu qaaday ayaana illaa haatan la fahmi weysan yahay.