Yaab; Haweeney ayadoo huruda Mas 1 Mitir ah afka ka galay oo laga soo bixiyay caloosheeda. Miyay nooshahay?

0
1694

Waxaa baraha bulshada caalamka ku faafay muuqaal yaab leh kadib markii lasoo galiyay haweeney qaliin lagu sameynaayo taasoona afkeeda laga soo bixinaayo mas dhirirkiisa yahay  Mitiri (4 Feet ama Cag).


Muuqaalka lasoo dhigay baraha bulshada ayaadna waxaad ka arki jartaa ayadoo maska afka haweeneyda laga soo bixinaayo xili shaqaalaha howsha waday qeyladooda ay aad u sareysay kadib markii ay la yaabeen waxa ay indhahooda arkeen.


Warbaahinta Ruushka oo arintaan wax ka qortay ayaana waxay sheegtay in maska uu haweeneyda afka ka galay xili ay huruday meel ka baxsan gurigeeda oo ku yaalo tuulada Levashi ee Jamhuuriyadda Dagestanka Ruushka.


Markii ay soo kacday haweeneyda ayaana dareentay xanuun dhanka caloosha iyo labo labo sabab u noqotay iney deg-deg isbitaalka u booqato.


Dhakhaatiirta ayaana durba baaris ku sameeyay waxayna  arkeen in calooshada haweeneyda uu dhex jiifo mas aad u weyn kaasoo afka ka galay intii ay huruday, kadibna waxay si degdeg ah ugu sameeyeen qaliin lagu badbaadinaayo nolosha haweeneyda.


Ma jirto xog ku saabsan in maska noolaa ama dhintay markii caloosha haweeneyda laga soo bixinayay, balse muuqaalka maska lagu soo bixinaayay ayaa layaab ku noqday in badan oo kamid ah dadkii daawaday.


Sida warbixinada warbaahinta qaar lagu sheegay goobta ay haweeneyda seexatay ayaa aheyd goob ay ku badanyihiin masaska, waxaana dadka looga digay iney goobahaas oo kale seexdaan sidoo kalana guryaha ku yaalo kahor inta aysan seexan ay albabada iyo daaqadaha u xiraan si xaalad ceynkaan oo kale aysan markale u dhicin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here