YAAB; Isbitaal dhan ayuuba u xiray si labadiisa gabdhood nabad ugu dhasho.

0
1276

Dharmendra iyo Hema Malini waxay kamid ahaayeen lamaanihii 80aadkii ugu shidnaa ayagoona shaashada siweyn uga soo muuqan jiray sidoo kalana nolosha caadiga xaas ku ahaa.

Hadaba Hema ayaa kashiftay sir ah in markii ay dhaleysay labadeeda gabdhood uu Dharamji u kireeyay kaligeed hal isbitaal waxaana u sabab ahaa maadaama ay shacbiyad weyn kulahaayeen gudaha India ma dooneynin in jamaahiirta iyo saxaafada carqaladeeyaan.

Dharamji ayaa xaaskiisa usii kireeyay hal isbitaal si ay buuq la’aan ugu dhasho waxaana mudadii ay dhaleysay gabi ahaanba xirnaa isbitaalka oo dhan ilaa laga saarayay.

Sirtaan ayay Hema shaaca ka qaaday xili ay ka qeybgaleysay barnaamijka Kapil Sharma Shaw halkaasoo ay kusoo bandhigeysay buugeeda cusub ee ay dhawaan qortay ee Mama Mia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here