Nin u dhashay wadanka shiinaha ayaa arin layaab leh ku kacaya kadib markuu naftiisa guursaday asigoona ku marmarsiyooday inaysan jirin naf uu ka jecelyahay naftiisa.
Ninkaan oo 44 jir shiinaha u dhashay ayaa waayay qof uu u jecelyahay siduu naftiisa u jecelyahay wuxuuna ugu dambeyn go’aansaday inuu naftiisa guursado noloshana la wadaago.
Wuxuu sameeyay boombale asiga u ek balse qaab dumar loo sameeyay yacni wajiga asiga ayuu isku ekeysiiyay halka jirkana dumar ka dhigay wuxuuna u dhigtay xaflad aroos kadibna guursaday.
Dhacdadaan guurka ayaa kamid ah dhacdooyinka ugu yaabka badan aduunka waxayna ku tusineysaa jaahilnimada dadyowga aan muslimka aheyn si kasta oo ay u ilbaxsanyihiin jaahilnimo kama marno ileen diintii ayaa ka maqane.