Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan wuxuu ka qayb galay barnaamijka Dance +5 ee bandhiga Dance-ga ku tartamaan caruurta sidoo kalena waxaa barnaamijkan xariiriye ka ah ama agaasimay filim sameeye Remo D’Souzo oo SRK ku casuumay barnaamijkan xiisaha badan.

Madaama lagu guda jiro todobaadka Jamhuuriga oo ah todobaad awooda ciidan Hindiya la xuso SRK wuxuu ka hadlay arimaha diinta asigoo diirada saaray in qof walbo oo Hindi ah laga rabo difaaca dalkiisa sidoo kalena ciidamada Hindiya diin ahaan la kala saari karin.

SRK ayaa shaqsiyadiisa ka hadlay wuxuuna yiri “Aniga nin diimeed ma ihi 5-salaadood joogto uma tukado laakiin Islam ayaan ahay, waana aaminsanahay aas aaska iyo mabaadii’da diinta Islaamka waana diin wanaagsan sidoo kalena asluub iyo anshax wanaagsan leh.

SRK oo hadalka sii wato wuxuu yiri “Aniga Muslim ayaan ahay xaaskeyga waa Hindu sidoo kalena caruurteyda waa Hindustan micnaha aqoonsi diimeed gaar ah malahan, sidoo kalena gurigeyga arimo diimeed loogama hadlo!”

SRK hadalka kasoo yeeray baraha bulshada muran badan ayuu ka dhaliyay gaar ahaan Muslimiinta Hindiya oo dhawaanahan culees badan saaran yahay marka loo fiiriyo xukuumada Ra’iisul Wasaare Modi inay isbadalo badan oo dhanka shuruucda ah sameeyeen kuwaas oo aan rooneyn Muslimiinta sidaa darteed Muslimiin badan hadalka SRK masoo dhaweynin waxaana ka muuqato ayay leeyihiin inuusan rabin ka hadlida waxa dhabta ah ee gudaha Hindiya ka jiro.

Dhinaca shaqada SRK filim uu sameeyo waxaa ugu dambeeyay Zero oo dabyaaqadii 2018 la daawaday wuxuuna Superstar-kan sheegay in dhawaan sida ugu dhaqsiyaha badan ugu dhawaaqi doono mashruuciisa xiga sidoo kalena isaga xitaa u xiisay inuu shaashada soo hor istaago daawadayaashana mada daaliyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here