Atariishada Yami Gautam ayaa atariisho ku firfircoon baraha bulshada iyadoona hada ku raaxeysaneysaa guulaha filimasayda ay dhawaan soo saartay ee kuwaaso laga daawaday tiyaatarada iyo habka online ah ee digitalka ah

Yami waxay dhawaan ku qabatay kulan ‘I Weydii’ kaaso ay taageerayaashayda barteeda Twitter-ka ku weydiin karaan su’aal walba oo ay iyaga rabaan dhowaa

waxaana atariishadan lasoo weydiiyay su’aalo badan oo kaga yimid dadka iyada ku xiran laakiin mid ka mid ah taageerayaasheeda ayaa weydiyay hadii ay maandooriye isticmaasho.

waxaana su’aashan taageerahan ay u dhacaysay ” ma daroogooyin ayad isticmaasha? Waan ogahay inay doqonnimo tahay in su’aashan lagu waydiiyo laakiin waa mid furan, laakiin hadaad isticmaasho daroogada waxay ii noqon doontaa qalbi jab waxaana ka codsana inad Maya dhahdid taageerayaashaada dartooda

atariishada Yami ayaa si dhakhso leh ayey u caddeysay inay ‘si adag uga soo horjeeddo iyadoona kusoo jawaabtay qoraal ayay ku qortay barteeda waxaana ay tiri “Maya, maya! Si adag ayan uga soo horjeedda midas maya dheh daroogada

Su’aalahan waxa ay yimaadayn ka dib markii ay xafiiska la dagaalanka mukhaadaraadka ay xireen Rhea Chakraborty dhawaan iyadoo lagu eedeeyay inay daawo u soo iibsatay Sushant Singh

Dhanka kale, dhanka shaqada, Yami filimkayda xiga waxaa lagu magacaaba Bhoot Police’ oo ay sidoo kale kasoo muuqan doonaan Saif Ali Khan , Arjun Kapoor iyo Jacqueline Fernandez . Warar soo baxaya ayaa sheegaya in filimkaan duubistiisa la bilaabi doono dhamaadka sanadka 2020. Filimkan waxaa Director ka ah Pavan Kirpalani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here