Zahra kadib markey ogaatay in Miran Hazar dhalay maxay fali doontaa? Hazar ma u sheegi doontaa? Caziza qorshaheeda iyo taxliil ku saabsan xalqada 22aad taxanaha Hercai.

0
13523

Waxaa xalay lasoo bandhigay goos-gooskii labaad ee xalqada 22aad taxanaha Hercai kaasoo ahaa mid xiiso leh waxyaabihii goos-gooska nalagu tusayna waxaa ugu muhiimsanaa in Asma u sheegtay Zahra in Miran uu dhalay Hazar.

Dabcan Zahra arinka shook iyo amankaag ayuu ku noqonayaa waayo Hazar waa ninkeeda oo waxay u dhashay gabar iyadoo mid kalana caloosha ugu sido, waana sax oo wey ogtahay xiriirkii jaceyl ee ka dhaxeyn jiray Dilshaah iyo Hazar balse iney caruur isku dhaleen layaab ayay ku noqon doontaa hadaba zahra Hazar ma u sheegi doontaa in Miran wiilkiisa yahay?

Sadax midkood ayay noqoneysaa;

1-Iney u sheegto isla markaasna wiil iyo aabihiisa kulmiso.

2-Inuu maseyr qaado amaba gabdhaheeda u naxdo kana baqdo in uu wiilka Dilshaah ee Miran ka jeclaado kadibna caadifad qaado oo ay Hazar xaqiiqda ka qariso.

-3-In Caziiza arinka soo fara galiso waayo Caziiza ma dooneyso in la ogaado in Miran uu dhalay Hazar oo hadii ay taasi dhacdo misna la ogaado ay baxarkii aduunka gali doonto suurto galna ma ahan iney wajahdo Miran iyo Hazar oo is wato sidaas owgeed Caziiza labo wado mid ayaa u furmeyso iney disho Asmaa iyo Zehra sirtana meesha ku duugmato ama ineyZehra u hanjabto uguna hanjabto in gabahdeeda Reyyan dili doonto hadii Hazar xaqiiqda u sheegto.

Akhristow adiga maxay kula tahay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here