Zahra oo gabadheeda Reyyan iska bari yeeshay sheegtayna ineysan dhalin gabar Reyyan la dhaho Hazar oo nolol iyo geeri u dhaxeeyo iyo dhacdooyinka xalqada 20aad ee taxanaha Hercai.

0
10718

Waxaa habeenkii sabtida lasoo gudbiyay xalqadii 20aad ee taxanaha Hercai anagoo halkaan idiin kuugu soo gudbin doono dhamaan dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa ee xalqadaas.

-Taxanaha ayaa ka bilaaban doono Hazar oo isbitaalka loola cararay iyo Reyyan oo tuhunsan in Miran uu ka dambeeyo jugta aabaheeda gaartay.

-Reer Sadoglu ayaa arinka la ogeysiinaa waxayna goobta imaan doonaan waliba iyagoo moodid iney hubaan in Miran uu ka dambeeyo waxa dhacay.

-Miran wuxuu isku dayayaa inuu Miran ka dhaadhiciyo in uusan asiga aheyn qofka waxaan ka dambeeyo lkn Reyyan kama rumeysaneyso.

-Nasuh ayaa asna dhankiisa weerar ku qaadi doono Reyyan asigoona ku eedeyn doono in iyada ka dambeyso waxa wiilkiisa ku dhacay bacdamaa cadowgiisa guursatay.

-sida caadada aheydna Azaad iyo Miran wali waa sidii oo waa la isku dhaganyahay.

-Aziza waxay u yeereysaa Mohamuud waxayna u sheegeysaa in qof aan asiga aheyn ku kalsooneyn sidaas owgeed uu hada kadib la socdo dhaqdhaqaaqa dadka oo dhan isla markaasna usoo ogaado qofka dhambaalada usoo dirayo iyada.

-Iiliif waa shooksantahay weyna naxsatay ayadoona cabsi badan dareemeyso waxayna fiirinee dhanka Sultana sida in dambi weyn gashay.

-Waxaa lagu tusinaa muuqaal Flash Back markii Iiiliif hooyadeed iyo aabaheed dhimanaayeen si lamid ahna uu dhimanaayay Sultaana ninka qabay Gonul aabaheed waxaana lagu tusinaa in Suldana ay dooneysay dhimashada ninkeeda halka iiliif oo yar ay goob joog aheyd waxayna Sultana ka baqee in iiliif soo xusuusato.

-Aziiza ayaa safarkii ay ku baxday dagdag uga soo laabaneyso waxayna dareen naxariis u muujineysaa ilmaha ay ayayda u tahay.

-Miran ayaa dhiig ugu tabarucaayo aabihiis Hazar waana muuqaalka ugu fiican xalqada.

-Haandaan iyo Jiihaan qorshihii guurka ee Azaad iyo iiliif halkiisa ayay kasii wadayaan waxaana toogtaan qeyb kasoo noqoneyso Yaariin.

-Yaariin si ay howsha u fududeyso waxay la kulmee Sultana waxayna kala hadlee guurka Azaad iyo iiliif iyagoona qorshe dagaayo.

-Reyyan ayaa ugu dambeyn rumeysaneyso in Miran uusan masuul ka aheyn waxa dhacay gaar ahaan markuu dhiiga ugu tabarucay Hazar.

-Reyyan waxay ogaan doontaa in hooyadeed uur leedahay.

-Gonul waxay ka shakisantahay dambiilaha iney tahay hooyadeed Suldana.

-Reyyan ayaa faraantigii ay iska siibtay dib usoo ceshan doonto waxayna toogtaan ka dhiganee sidii xirsi xir oo kale

-Zahra markii ay ogaato in Reyyan Miran wali aysan ka harin misna faraantigiisa wadato ayay dharbaaxo ku kala jiidee iyadoo waliba u sheegeyso in aysan dhalin gabar Reyyan la dhaho hada kadibna aysan sheegan.

Dhawaan la soco wareysi ay dhiibeen Reyyan iyo Miran kuna saabsan taxanaha Hercai sidoo kalana la soco taxliil ku saabsan xalqada 20aad iyo waxa soo kordhay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here