Waxaa caawo lasoo bandhigay goos gooska 1aad ee xalqada 29aad taxanaha Hercai waxaana rabaa inaan arin yar tooshka ku ifiyo.

Ugu horeyn waxaan horay idiin kula wadaagnay in Zahra ay xalqada 29aad tahay midii ugu dambeysay kadibna taxanaha toos looga saari doono maadaama ay xaamilo rasmi ah tahay misna jiliinka sii wadi karin sidaas darteed waxaa la raadinayaa habkii taxanaha looga saari lahaa.

Arinta aan caawo goos gooska ku daawanay ayaa waxay tahay in Zahra si doqonimo leh u wacday Caziiza kadibna meel fagaare ah inta ku balansatay u sheegtay iney ogtahay in Hazar uu dhalay Miran isla markaasna ay Hazar iyo dadkoo dhan sirtaas u sheegi doonto.

Gabi ahaanba waa khalad midaas waliba waxaa eeda iska leh Directedka taxanahaan iyo gabdhaha sheekadiisa qorayaan waxaana ugu wacan maxay tahay sababta Zahra taleefan ugu dirsaneyso cadowgeeda misna sirteeda ugu sheegeyso?

Maxay tahay dhibka heysto ee nafteeda halis u galineyso?

Xaqiiqdii hada maadaama Caziiza ogaatay in Zahra ka warheyso in Miran aabihiis yahay Hazar waxay u badantahay iney khaarijin doonto waana arin doqonimo ah oo Zahra ku kacday.

Waayo halkii ay sirta la wadaagi laheyd ninkeeda iyo dadka ay ku kalsoontahay waxay la wadaagtay cadowgeeda waana arin aan maangal aheyn.

Hadaba akhristow adiga sidee u aragta falka doqonimada ah ee Zahra ku kacday??

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here