Gabadha Fashion-ka xirfadeeda tahay Zaklina waa 47-jir baraha bulshada siweyn u qabsatay waxaana lagu tilmaamay inay tahay ayeeyada ugu quruxda badan dunida!

Zaklina waxay ayeeyo u tahay labo caruur ah asal ahaana dalka Serbia ayay kasoo jeedaa sidoo kalena hooyo u ah gabbar 28-jir ah halka wiilkeeda Stefan oo uu geeriyooday xiligii feestadii Christmas-ka ee sanadkii hore.

Zaklina ma ahan ayeeyo guro fadhiso waa qof xirfad leh sidoo kalena baraha bulshada la fal fasho sidoo kalena soo dhigto sawiro soo jiidasho leh waana sababta keentay in lagu tilmaamo ayeeyada ugu quruxda badan caalamka.

Zaklina waxay ayeeyayaasha kale dheer tahay inay tahay qof jirkeeda ku dadaasho ayadoo tabbabar joogto ah sameyso sidoo kalena midaas waxay ka caawisay hablaha ay isku jiilka yihiin in muuqaal ahaan loo maleeyo 10-sano inay ka yar tahay!

Zaklina waa ayeeyo socdaal badan gasho sidoo kalena meelo kala duwan Fashion ku sameyso dhawaana waxay socdaalo kala duwan ku bixisay Switzerland, France iyo Poland.

Zaklina haatan waxay ku nooshahay dalka Italy sidoo kalena waxay baraha bulshada ku leedahay 157,000 oo saaxiibo ah waxayna marwalbo soo dhigtaa baraha bulshada sawiro soo jiidasho leh.

Zaklina oo daryeesho labada caruurta ah oo ay ayeeyo u tahay hadana waxay sheegtay inay dhiiri galineyso ayeeyayaasha dunida ku nool si ay banaanka ugu soo baxaan sidoo kalena caafimaadkooda ku dadaalaan dadka tusaan inay wax qabsan karaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here