Atiriishada caanka ah Zareen Khan ayaa di adag isku difaacday kadib markii lagu mashquulay jirkeeda iyo miisaankeeda si qaas ah calaamado kasoo baxeen caloosheeda waana cajiib in qof jirkiisa sidaas dhan loogu mashquulo.

Tani waxay dhacday 1 Sep 2019 isla sanadkaan gudihiisa waana 2 bil kudhowaad kahor xidigtaan ayaa Instagram-ka soo dhigtay sawir caloosheeda laga arkaayo oo calaamado iyo sumad leh sida sawirka sare aad ka arki kartaan kadibna dad ayaa ku foodeyeen xidigtaan oo ku qabsadeen calaamadahaas waxa ay yihiin.

Waxay tiri iyadoo sharaxeysa,” horta in la isku mashquulo waa laga fiican yahay mida kale dadka is weydiinaya waxa kudhacay caloosheyda waxaan leeyahay waxba igama qaldano calaamadahaasna waa kuwa dabiici ah sida guudna qofka miisaanka culus markuu miisaankiisa dhimo ayee soo baxaan.”

“Waa calaamado si kumeel gaar ah qofka oga soo baxaan anigana 20 kg ayaan ka dhimay caloosheyda iyo miisaankeyga waxaana iga soo baxeen calaamado la moodo qof qaliin soo maray oo kale waana kuwa dabicii ah oo iska tirmi doonaan.”

“Waxaa macquul ah sidan dhan sababta aan wax idiin kugu sharxaayo sababtana waa inaan aaminsanahay marwalba inaan xaqiiqada ka taabto nolosheyda gaarka ah halkii aan wax kala qarin lahaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here