Bilawgii qarnigan Bollywood-ka waxaa kusoo biiray wiil yar oo qurux badan kaasi oo heestay garab istaagi aabihiis Sanjay Khan iyo adeerkiisii geeriyooday Feroz Khan qof kalena ma ahan wiilkaas waa Zayed Khan oo u suura gashay inuu in mudo ah fanka Hindiya baaqi ku ahaado balse kadib saaxada ayaa laga waayay madaama guul darooyinkiisa bateen wuxuu waayay cid wax u dhiibato dhawaanahan waaba la iska hilmaamay Zayed Khan inuu ahaan jiray atoore mashquul badan waqti waqtiyada ka mid ahaa.

Haatan Sanjay Khan atoorihii 70-maadkii iyo 80-maadkii caanka ahaa wuxuu shaaca ka qaaday in wiilkiisa Zayed Khan saaxada dib ugu soo celin doono wuxuuna u maal galinayaa filim weyn oo fariin dagaal wadani xambaarsan waxaana looga hadlaa dagaalkii Hindiya iyo Pakistan dhex maray sanadii 1947 iyo abaan duliyihii ciidamada Hindiya Mohammad Usman kaalintii uu ku lahaa dagaalkaas waxaana doorkan weyn matali doono Zayed Khan.

Sanjay Khan wuxuu sheegay inuu ku kalsoon yahay in filimkan uu maal galinaayo wiilkiisa Zayed Khan kusoo rogaal celin doono sidoo kalena Zayed uu haatan tababar guriga ku qaadanayo iskuna diyaarinayo sameynta filimkan weyn oo shaqadiisa bilaaban doonto marka Hindiya xaaladeeda caadi kusoo laabato.

Zayed Khan wuxuu kusoo caan baxay filimkii Chura Liyaa Hai Tumne ee sanadii 2003 la daawaday waxaana la jishay Esha Deol kadib filimkii Main Hoon Na ee SRK la sameeyay ayuu magac weyn ku yeeshay inkastoo Bollywood-ka uu sal dhigan waayay. Filimkiisii ugu dambeeyay wuxuu ahaa Sharafat Gayi Tel Lene kaasi oo ganacsi ahaan bur buray lana daawaday 2015 kadibna wax mashruuc ah ma uusan helin inkastoo dhanka TV-yada u batay asigoo sanadii 2017 sameeyay filimkii musal salka hirgalay Haasil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here