Zehra ma waxay isku badashay naag xun iyo taxliil ku saabsan isbadal shakhsiyeedka ku yimid maamo Zahra.

0
12951

Zahra Sadoglu waxay aheyd maamo aad u wanaagsan misna gabadheeda jecel sidoo kalana marwalba qoyskeeda ka fikirta mana aheyn mid dhib badan sidoo kalana dibin daabyo ka shaqeyso balse haatan waxaan aragnaa in isbadal uu ka muuqdo.

Tusaale waxaan usoo qaadan karnaa in loo sheegay misna fariin loogu soo dhiibay Hazar Sadoglu inuu dhalay Miran halkii ay bishaarada u sheegi laheydna wali wey ka caga jiideysaa waxayna u badantahay in shirqoolka ka sokow ay ka cabsaneyso in Hazar uu gabdhaheeda ka doorto Miran balse suaasha waxay tahay ilaa goormee ayay xaqiiqda qarin kartaa?

Arinta labaad waxay tahay Zahra waa qofkii ku qasbay Hazar beenta uu Reyyan u sheegay ayada ayaana ku kaliftay in Miran ka been abuurto xitaa markii ay ogaatay in Miran uusan dambi laheyn wax dhib ahna ninkeeda u geysan way kasii been abuuratay mana aheyn qof sida shakhsiyada Zahra oo kale laheyd in fal noocaas ku kacdo oo hada waataas ninkeedii dambiile beenlow ah ka dhigtay.

Zahra waxay kaloo isku dayaysaa in Miran iyo Reyyan kala geyso oo waxay Reyyan u dhiibtay warqada Furiinka kana dalbatay iney saxiixdo waxaana Zahra ka go’an in gabi ahaanba burburiso xiriirka jaceyl ee Miran iyo Reyyan.

Hadaba akhristow soo lama dhihi karo shakhsiyadii wanaagsaneyd ee Zahra wey is badashay waxaana kasoo hoos baxday mas aanan la fuleyn cida uu qaniini doono?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here