Zehra sirtii miyay qarxisay? Caziiza oo qosolka kaa dhameyn doonto yariin oo Harun heshay Miran iyo Reyyan oo heshiiyay iyo dhacdooyinka xiisaha leh ee xalqada 26aad taxanaha Hercai.

1
7060

Waxaa lasoo bandhigay xalay xalqadii 26aad ee taxanaha Hercai taasoo aheyd mid qiiro iyo dareenba ka buuxaan sidoo kalana waxay aheyd xalqo qosol miiran ayadoo ay kaa qoslisiin doonaan Caziiza, Jihan iyo Haandaan sidoo kalana Gol Hanim ayadana caadi ma ahan hadaba dhacdooyinka xalqadii xalay oo nafta u roon halkaan kaga bogo.

-Xalqada ayaa ka bilaabaneyso halkii ay qeybtii hore ku dhamaatay markuu Miran ogaado in duqda ay ayaydiisa saxda ah tahay balse ma aaminaayo shook ayuuna ka qaadaa asigoona dagdag meesha uga soo tagaayo waxaana soo daba kaceyso Reyyan si ay niyada ugu dajiso.

-Reer Sadoglu hal miis ayay wada fadhiyaan ayadoo Nasuh uu ku faraxsanyahay in qoyskiisa dib u helay asigoona Hazar ka balan qaadayo in Reyyan markale wax dhiba u geysan doonin inta cimrigiisa ka dhiman sidoo kalana uu difaaci doono.

-Hazar iyo Zahra waxay ogaan doonaan in dhiiga ku jira Hazar uu yahay dhiigii Miran taasoo layaab ku noqon doonto maadaama aysan horay u ogeyn ileen hadii ay ogaan lahaayeen ninkii dhiiga u shubay in Miran yahay kama been sheegeen.

-Hazar ayaa aad uga xumaanayo arinka laga qariyay wuxuuna qoyskiisa ka codsanaa ineysan runta ka qarinin una sheegaan hadii uu jiro wax kale oo ay qarinayaan markaas ayay Zehra u sheegee sheekada Yaariin iyo iney ogeyd in Reyyan shirqool lala maleegaayo.

-Miran wuxuu wajahaa ayaydiis Caziiza asigoo u sheegaayo in Iiliif iyo Gonul marnaba u ogolaan doonin iney qasab ku dirto oo aanan qofna la qasbi doonin balse Caziiza dhankeeda go’aankeeda ayay ku adkeysanee waxayse arinka kasii daree markii iiliif ay sheegto iney dooneyso in qasrigaan isaga tagto.

-Iiliif ayaa suldaana iyo Reyyan u qiraneyso in ay Azaad jeceshahay balse uusan asiga jecleyn ayadoo Reyyan arinkaas soo dhaweyneyso halka Suldana ay go’aansaneyso in Azaad la kulanto.

-Miran wuxuu Reyyan ka codsanaa arinta ayaydiisa ineysan qofna kala hadlin inta uu xaqiiqda ka ogaanayo waayo ma rabo in ay cayaar noqoto iyo been lasoo dhoob dhoobay taas badalkeeda wuxuu doonayaa in xaqiiqda ka salgaaro sidaas darteed waa in aysan qofna ogaanin.

-Caziiza si ay kalsoonida Miran u kasbato waxay Miran iyo Reyyan u sheegee in Yaariin tahay qofka warqada furiinka bugta ah saxiixay isla markaasna labadooda isku diray.

-Haandaan qosolka ayay kaa dhameyn doontaa markii ay Yaariin labiska arooskeeda u keento una sheegto iney xirato waxay kaloo u sheegee in god khiyaano la qodin ileen markasta qofkii qoday unbaa ku dhacee.

-Miran xitaa haduu ogaaday warqadii furiinka in aysan Reyyan saxiixin ma cafinaayo inkastoo uusan sidii hore u aheyn hadana wuxuu Reyyan u sheegaa in nabarkii ay qalbigiisa ka dilaacisay wali uusan biskoonin kaasoo ah tuhunkii ay asiga tuhuntay iyo kalsooni daridii ay u muujisay xili uu xaalad xun ku jiray waliba dhibaatada hooyadiis loo geysan jiray xili looga sheekeeyay ay dhaawac qalbigiisa u geysatay.

-Yaariin waxay la kumee Caziiza waxayna kula heshiinee in nin bug ah yacni nin lasoo dabaray misna guurka kadib la iska fasixi karo usoo raadiso taas badalkeedana maadaama Caziiza dooneyso kala taga Reyyan iyo Miran ay warqadihii furiinka misna saxiixnaa u keeni doonto.

-Waa habeenkii lasoo doonan lahaa Yaariin waxaana socdo qaban qaabadii soo dhaweynta arooska cusub xili Haandaan markale qosolka kaa dhameyn doonto iyada iyo Gol markii ay shaqaalaha kala hadlayaan arinka xaflada doonashada.

-Jiihaan wuxuu la kulmaa wiilkiisa wuxuuna u sheegaa in guurka Iiliif uu muhiim yahay si uu Reyyan u badbaadiyo waayo Caziiza marnaba kama laba labeyn doonto in Reyyan disho balsi hadii iiliif uu guursado aysan ku dhicin arinkaas wuxuuna Jihan wiilkiisa ku qalqaalinaa guurka iiliif.

-Zahra waxay imaanee qasriga reer Aslan Bey waxayna la kumee Miran iyo Reyyan ayadoona u sheegeyso in ayada tahay qofka Hazar ku qasbay inuu Miran ka been abuurto sidaas owgeed ayada masuul katahay waxa dhacay Hazarna dambi uusan laheyn iskana cafiyaan.

-Zahra waxay Miran iyo Reyyan u sheegee iney aragtay markii Hazar isbitaalka ku jiray Aziiza oo Hazar kor taagan uguna hanjabeyso in Reyyan dili doonto ayadana ay Reyyan u cabsatay sidaasna ku kaliftay beenta ay Hazar ku qasabtay.

-Miran ayaa ayyadiisa weydiinaayo hadii hadalka Zahra run yahay waxayna Caziiza ku jawaabee inuu sax yahay markii sababta laweydiiyana waxa u sheegee in asiga dartiis u sameysay maadaama reer Sadoglu ay asiga u fakfakanaayeen oo ay u maleynayeen in Miran arinka ka dambeeyo sidaas darteed Hazar ugu hanjabtay hadii Miran wax soo gaaraan in Reyyana ay dhiman doonto.

-Reyyan markii qasriga kusoo laabato waxay xisaabinee Yaariin iyo sababta ku kaliftay in ka been sheegto misna saxiix been ah Miran u dhiibto balse Yaariin ayaa ku jawaabeyso in Miran markii horeba ayada  ka xaday sidoo kalana awowgeed ka xaday marka ayadana ay ciqaabteeda marsiin doonto.

-Reyyan markii hadalkaas ay maqasho ayay toogteeda bahal dharbaaxo indhaha uga kala jiidee Yaariin ayagoo isku duufi rabo ayaana waxaa soo kala dhex galaayo Nasuh iyo Jihan oo kala qabanaayo.

-Jihaan oo aad uga labo labooday falka gabadhiisa ku kacday ayaa Yaariin ku dhahaayo adiga aakhirkii anigaa gacmaheyga kugu dili doono wuxuuna qasab ugu wadaa qolkeeda inta arooska ka imaanayo.

-Balse Yaariin ayaa inta lasii wado midkasta oo reer Sadoglu khaladkiisa u sheegeyso ayadoo ka bilaabeyso oday Nasuh iyo siduu u rabay in Reyyan la dilo, waxay ku xijinee aabaheed Jihan iyo markuu damcay dhimashada Reyyan si wiilkiisa u guursan, waxay kusii xijinee hooyadeed Azaad ugu  dambeyn Hazar ayay ku dhahee adiga markii aabahaaga damcay inuu Reyyan dilo halkii aad ka celin laheyd misna hor istaagi laheyd aabahaa oo wajihi laheyd waxaad doorbiday in gabadhaada la dhuumato cadowgeeda marka dhamaantiina yaan godob ka galin Reyyan? Maxay tahay sababta kaligay khaladkeyga ciqaabtiisa u maraayo? Yaanan la isaga key dhigin dad bari ah misna waligood wanaag fali jiray.

-Yaariin xalqadaan waxay ku cadeysay iney tahay gabar nafsad ahaan u jiran markii la fiiriyo habdhaqankeeda.

Miran wuxuu soo wadaa Reyyan asigoona gurigooda keenaayo walina ma uusan cafinin Reyyan wuxuuna uga tagaa irida waxaana arkeyso Gonul taasoo jaanis ku gaadeysay Reyyan.

-Gonul waxay Reyyan u sheegee in qalbiga Miran ka baxday sidii ayada loola dhaqmay uu hada kadib ula dhaqmi doono marka ka daba cararkiisa aysan marnaba isku daalinin balse Reyyan ayaa ku jawaabi doonto aniga adigoo kale ma ihi Miran dabcan waqti xiriir wuu kula soo yeeshay balse qalbigiisa waligeyba anaa lahaa adigana jaceyl ina adeernimo wax dhaafsiisan waligiis kuuma qaadin waana ogahay mudadii aad is qabteen ineydnaan hal qol hal habeen xitaa wada seexan.

-Suldana waxay sid qarsoodi ula kulmee Azaad waxayna u sheegee in Caziiza ay Iiliif dibada u direyso kadibna dooneyso in arlada qasto oo Reyyan disho marka hadii uu doonayo in Reyyan badbaado oo labada qoys kala badbaadaan uu Iiliif guursado.

-Qoyskii arooska ayaa yimid walee Yaariin aroos baa ku dhacay waaba nin waxkale kaftanka ka baxayo hadaad aragtid yaabeyso ayadoo Yaariin ogolaaneyso guurkiisa.

-Yaariin ayaa waceyso Caziiza waxayna uga mahad celinee sia ay howsha ugu dhameysay misna arooska ugu soo diyaarisay balse Caziiza ayaa Yaariin u sheegeyso in aysan wax nin ah usoo diyaarinin ninka soo doontayna uu yahay mid guurka dhab kayahay ayadana la joogo waqtigii ay guursan laheyd intii ay hooyadeed iyo aabaheed madaxa ka cuni laheyd arladana qasi laheyd dhaqso guursato.

-Yaariin oo yaaban ayaa Caziiza ku dhaheyso oo hada ma nin si dhab ii guursanaayo ayaan ogolaaday balse Caziiza oo qosleyso ayaa Yaariin ugu jawaabeyso inaa isku waartiin idiin rajeynaa hala iloobin inaad infiitada iisoo dirto inkastoo aanan jecelyn in waalidkaada is aragno hadana dartaa arooska uga soo qeyb galee kkkk ayadoona qosol la dhaceyso yaariina naxdin iyo ciil isugu darsameen.

-Caziiza qaabka ay Yaariin ugu jeesjeestay iyo qaabka ay ugu qososhay aaba qosolka kaa dhameyn doono mida kale Caziiza ayadoon waxba sameynin ayay fariin udirtay yaariin yacni aniga afaaraheyga hasoo faragashan hadii kale adigaa ku khasaari doono.

-Azaad aad ayuu u fikiraa asigoona ugu dambeyn sida muuqato go’aansanaayo guurka iiliif wuxuuna lasoo xiriiraa iiliif oo bixitaan isku diyaarineyso.

-Reyyan waxaa ka go;an in Miran cafiyo sidaas darteed mudulkii ama aqalkii yaraa ay isku barteen ayay ku balaminee ayadoona xusuusihii ay isla soo mareen iyo dhaawacii uu u geystay soo xusuusineyso iyo in ay gabi ahaanba cafisay asigana cafis ka dalbaneyso .

-Miran markuu soo xusuusto xaaladii uu Reyyan galiyay wuu iska qiiroonaa asigoona ogolaanayo inuu cafiyo ayada wuuna cafinaa halkaas ayayna ku heshiinayaan.

-Miran ayaa kadib markuu Reyyan la heshiiyo la xiriiraayo ayaydiisa una tagaayo waxaana meesha lagugu tusaa muuqaal aad u dareen badan kaana ilmeysiin doono ayadoo Miran ayaydiisa u sheegeyso sababta ay mudadaas dhan ula kulmin ay tahay Caziiza darteed maadaama ay ugu hanjabtay in ay dili doonto Miran hadii ay markale la kulanto.

-Miran ayaa ayaydiis hab siinaayo wuxuun usoo kaxeynaa qasrigoo asigoona keenaayo guriga reer Aslan Bey wuxuuna isugu yeeraa dadka oo dhan oo ay ku jirto Caziiza taasoo markii ay Miran ayaydiisa aragto yaab ku noqon doonto.

-Dhamaad xalqada ayaa halkaas ku go’eyso Miran oo ayaydiisa guriga geeyay dadka oo dhana u sheegaayo iney tahay ayaydiis hooyadiis dhashay.

Hoos ka daawo xalqada oo muuqaal ah waa kanaalka Filimside Media oo marwalba aad kaheli karto wararkii u dambeyeen Subscribe saaro waa kanaalkaadee mahadsanid.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here